|

Taliyihii Hore ee Ciidamada Qaranka oo ka hadlay Beer uu ka qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Baaqna u diray Beesha Gudoomiyaha DAAWO

Hargaysa, 23 August, 2016-(SDN/QJ): – Taliyihii hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland General Cismaan Dacas, oo ahaa taliyihii dhisay ciidanka qaranka Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dacwad u dhaxaysa isaga iyo Gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi oo uu sheegay in uu ku haysto beer ku taala geed deeble oo uu lahaa isagu islamarkaasina uu muuse ka qaadat waqtigii colaada sokeeye.
Dacwadan oo soo socotay tan iyo sanadii 1994 tii oo tilmaamay inay tahay waqtiga gudoomiye muuse biixi uu xooga kaga qaaday beertaas maadama aanu isagu u dhalan deegaan gheed deeble iyo galbeedka hargaisa isla markaasna uu ka soo jeedo gobolka saraar iyo barriga burco.
Taliyihii hore ee cidamada qaranka mudane cismaan dacas waxa uu sheegay in dacwada ku saabsan beertan uu lahaa ay socotay 20 kii sanadood ee ugu danbeeyay welina aan xal laga gaadhin, ugu horeyn waakan taliyihii hore ee ciidanka qaranka general cismaan dacas, oo ka hadlaya mashruucii dowladii somalia u siisay beertan qaabkii uu ugu shaqayn jiray soona bandhigaya sharcigii dowlada somalia ku siisay islamarkaasna ka waraya waqtigii iyo sidii muuse biixi uga qaaday beerta……..
Taliyihii hore ee ciidamada qaranka somaliland general cismaan dacas waxa uu baaq u diray, odayaasha iyo wax garadka uu ka soo geeda muuse biixi iyo beeshiisa waxana uu ka codasaday in sidii dhaqanku ahaa ugaga soo celiyaan beertiisan oo uu sheegay oo uu sheegay in mudo 20 sano ah qaab beelaysan loogaga haystay waxaa kale oo uu fariin u diray, in beesha uu isagu ka soo jeedo ee bariga burco oo uu sheegay inay tahay beesha muuse biixi codka ka doonayo, waxana uu beeshiisa ka codsaday in muusha ay codka siinayaan uga soo qaadaan beerta uu 20ka sano ka haystay ee ay wada ogyihiin…….

Comments are closed