|

Taliyihii Ciidamada Jabuuti oo Hawlgab noqday iyo Gen Zakaria oo la wareegay hogaanka ciidamada Jabuuti

i Jabuuti Dec 02,2013(SDN)-Taliyaha ciidamada Jabuuti Maj.Gen Fathxi Axmed Xuseen ayaa hawlgab galay mudo 54 sanadood oo uu ciidanka ka tirsanaa ka dib.

Xilka uu ka degay Maj.Gen Fathxi Axmed Xuseen ayaa waxa la wareegay Maj.Gen Zakaria Sheekh Ibrahim. Munaasibadan ayaa waxa goobjoog ku ahaa madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle iyo saraakiil dhawr ah oo ka tirsan Africa Command oo Jabuuti xarun ay u tahay.

Masuuliyiintii halakaa isugu yimi ayaa uga bogaadiyay Maj.Gen Fathxi hawlihii kala duwanaa ee uu soo fuliyay mudadii uu hogaaminayay ciidamada Jabuuti.

Halka ay niyadsami uga muujiyeen Taliyaha Cusub ee Jabuuti Maj.Gen Zakaria Sheekh Ibrahim una rajeeyeen guul. Jabuuti ayaa waxa xarun ay u tahay ciidamada huwanta reer Galbeedka ee ka wada hawlaha la dagaalanka argegixisada.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed