|

Taliyihii Aaga bari ee Ciidamada Qaranka oo Maanta hargaysa lagu aasay

Hargaysa 02.April (SDN) Alle ha u naxariistee Waxaa Maanta lagu aasay Xabaaalaha Naasa hablood ee Magaalada Hargaysa Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari Marxuun Sareeye Gaas  Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade),oo Habeenkii Xalay ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.

Aaska Marxuunka waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici, Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale,Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Madaxda Axsaabta,Golayaasha Qaranka iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha Somaliland .

Waxaanay Madaxdaasi eebbe uga baryeen inuu Marxuunka Naxariistiisii jano ka waraabiyo Qoyskii qaraabadii iyo Ciidamada Qaranka iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Qaranka JSL, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Madaxweynuhu  geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) ALLE HA U NAXARIISTEE.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade)  oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 02-04-2013 laguna aasay Maanta.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin muhiima ka soo qaatay difaaca dalka, kaalin muhiimana kaga jiray ciidamada qaranka JSL, iyo Dalkaba waxaanu madaxweynuhu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan uu ka siiyo.

Marxuun Sareeye Gaas Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) eebbe naxariistiisii janno ha ugu deeqee Waxa uu Ifka kaga tagay Sadex iyo Toban Caruur ah iyo Laba Xaas.

Hargaysa SDN.

qurbejoog@gmail.com

Comments are closed