|

Taliye Faysal Bootan oo kiyoo dhaawac ka muuqdo oo horyimi Warbaahinta

Hargeysa April 02, 2023 (QJ) – Generaal Faysal Bootaan oo ka mid ah taliyeyaasha ciidanka aaga dagaalka ayaa maanta horyimi saxaafada kiyoo ay ka muuqato dhaawac beryahanba la hadal hayay oo uu islahaa lagaa garan maayo.

Taliyaha ayaa beryahanba la hadal hayay in uu ku dhaawacmay dagaalada ka socda duleedka magaalada Laascaanood. Kooxaha dagaalka kala soo horjeeda ciidamada Somaliland ayaa ku celcelinayay beryahanba in Generaalku dhaawac yahay.

Generaal Faysal Bootaan oo hadlayay saxaafada ayaa maanta socodkiisa iyo hadalkiisaba laga dareemayay in ay rasaasi ku taal, kolka barbardhigo muuqaaladiisii hore.

Mar aanu arinkan wax ka weydiinayay ilo wareedyo ka agdhow Ganankana waxa naloo xaqiijiyay in Taliyaha ay rasaasi kaga taal dhowr meelood balse xaaladiisu wacan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada aaga Goojacade ayaa ka sii dareysa maalinba maalinta ka danbeysa, xili taladii dalka uu isku soo uriruiyay lana anbaday Muuse Biixi.

Comments are closed