Taliye Fadal iyo Xildh. Nacnac Oo Ku Guulaystay Inay Xabsiga Ku Guraan Cuqaasha Beesha Cabdale Arab oo Kasoo Horjeestay Go’aankii Muranka Deegaanka Balli Diiriye
Burco:Aug,18,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Boliska Deegaanka Burco ayaa habeenkii xalay Xabsiga u taxaabay Xubno ka tirsan Beesha Cabdale Arab oo ka mid ah Beelaha isku Haya Deegaanka Ballid Diriye ee Gobolka Togdheer.
Xadhiga Waxgaradkan ayaa la sheegay inay Xukuumaddu ka Dambaysay, isla-markaana uu daba socda Hadallada iyo Ficillada ay Waxgaradka Beesha kaga Fal Celiyeen Go’aanadii dhawaan laga soo saaray Muranka Ka Taagnaa Deegaankaas oo Beeshu Saluugtay.
Xadhiga Xubnahan ayaa la sheegayaa inay Xukuumaddu u adeegsatay Xubnaha ay isku Beesha yihiin ee Xukuumadda Gacan-saarka la leh oo ay ka mid yihiin Taliye Fada, Jamaal Caydiid iyo Waliba Xildhibaan Nacnac oo oo dhammaantood u dhego nugul awaamiirta Xukuumadda.
Ehellada cuqaasha iyo waxgaradka xidhan ayaa walaac kamuujiyey tallaabada lagu taxaabay Odayaashan, waxana ay tilmaameen inay caddaalad darro badan ka tirsanayaan Dhinaca xukuumadda oo ay u arkaan mid u xaglisay dhinaca Beesha kale ee ay dhulka ku muransan yihiin.
Masuuliyiin ay hormood u yihiin Taliye Fadal iyo Xildhibaan Nacnac ayaa loo xilsaaray nay ku qanciyaan Beesha Cabdale Arag Go’aanka Xukuumaddu gaadhay, balse taas wax natiijo ah oo aan ahayn xadhigani xalay dhacay kama uu dhalan.
Ugu dambayntii waxa ay wararku sheegayaan in Xildhibaan Nacnac iyo Taliye Fadal ay dhinaca xukuumadda ka codsadeen in la xidho odayaasha maadaama ay diideen go’aankii, iyadoo taasina isla xalayba dhacday oo aan laga laba labaynin.
Muranka ka taagan deegaanka Balli diiriye ayaa sii xoogaysanaya, waxana dhawaan halkaas ka dhacay dagaal keenay Dhaawacyo kala duwan, iyadoo dhinaca Beesha Cabdalle Arab aanay wali ku qancin GO’aanka ay soo saareen Wasiirradii loo xilsaaray Arrintu.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com