Taliyaha Laanta Socdaalka Somalia oo soo Bandhigay Qoraal uu si Hoose Wasiir Warancade uga Dalbaday in Somaliland laga Furo Xafiis lagu Bixiyo Baasaboorka Somalia DAAWO
Muqdisho 01 Feb , 2016 (SDN/QJ):- Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliya General Gaafow ayaa Soo Bandhigay Warqad Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade uu kaga Dalbanayo In Gudaha Somaliland Gaar ahaan Caasimadda Hargaysa laga furo Xafiis lagu Bixiyo Baasaboorka Somaliya .
Wasiir Warancade ayaa Hore u Xidhxidhay Shakhsiyaad Baasaboorka Somaliland soo geliyay Somaliland waxaanu ku goodiyey in Cid kasta oo talaabo noocaas oo kale ah ku kacdaa ay Mutaysan doonto in Sharciga la hor geeyo Maadaama uu ku eedeeyay inay dibin daabyo ku yihiin qaranimadda Somaliland,Waxaa la eegi doonaa falcelinta Wasiir Warancade ee Qorshahan uu Kashifay General Gaafow.