|

Taliyaha laanta Socdaalka oo ka hadlay amaanka Somaliland

Hargaysa 29.Jan.(SDN) Taliyaha Laanta Socdaalka ee Somaliland Md.Maxamed Cali Yuusuf,ayaa Sheegay in aanay Jirin Wax isbedel ah oo Ku yimi Dhaqdhaqaaqa Dadka Socotada ah,ee Dalka Imanaya iyo Kuwa ka Baxaya.

 

Shir Jaraa’id oo uu Maanta Ku qabtay Xafiiskiisa ayaa Taliyuhu,Waxa uu ku sheegay in aanay jirin wax Saameyn ah oo Hawlaha Socdaalka Dalku uu Ku yeeshay Baaqii Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Biritayn Soo saaray Dhawaanta.

Taliyuhu waxa uu Intaasi ku daray,In Hawlihii Ku saabsanaa Dalabka Dal Ku galka,ay Soo Codsanayeen Dadka Ajenabiga ahi ee u soo Kicitimaya Somaliland ay Sidoodii u socdaan.

Dhinaca kale,Taliyaha Laanta Socdaalka ah ee Somaliland Md.Maxamed Cali Yuusuf, waxa uu Xusay in Xaalada Amniga ah ee Somaliland Tahay Mid Sugan,isla markaana aanay Jirin,Wax werwer oo Socotada Ajeniba ah ka baajinaya imaatinka Dalkan.

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed