|

Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Oo Si Ramsi ah U Sheegay Tirada Askarta uu Shaqada ka Eryey iyo Sababta Keentay

Muqdisho:Feb-04-2014 (SDN)-Waxa Markii ugu Horraysay uu Taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe)  uu Ka Hadlay Tiro ka Mid ah Ciidanka Qaranka Somaliyeed ka  oo Shhaqada laga Eryey.

Gen.-IndhoqarshoIsagoo la hadlaayay Warbaahinta ayuu sheegay in ciidamada shaqadala laga ruqseeyay ay gaadhayaan ilaa 700 oo akari, Isagoo ku eedeeyay ciidamadaas xil gudasho la’aan iyagoo qabta shaqooyin kale, sidda iyagoo qaadka ka shaqeeya, hotelada  jooga iyo kuwa guryahooda iska jooga “askarta shaqada laga ruqseeyay waa kuwa qabta shaqooyin kale, aMarka haddii aan qabaanayo shaqooyin kale waa inaan ka baxaa shaqada ciidamada xoogga marka askarta la ceydhiyay waa kuwa noocaas oo kale” ayuu yidhi.

Taliyaha  ayaa caddeeyay in dhawaan ay billaabantay qorshe dib boodhka looga jafaayo ciidamada xoogga Soomaaliya si loo dardar galyo dagaallada lagula  jirro Al-Shabaab  oo ay dawladdu doonayso inay ka Takhalusto.

Wuxuu sheegay ciddii loo arko inaanay Shaqada qaranka Haynin in Shaqada la Eryi Doono oo aan la sii eegan doonin.

Waxa kale oo uu Taliyuhu Hoosta ka Xarriiqay in Dhawaan Albaabada Loo Furi Doono Xarun Ballaadhan oo Lagu Xannaaneeyo Ciidanka Naafada ah, waxana uu Sheegay in Ciidama ku Naafoobay Dagaalka Kooxaha Dawladda ka soo Horjeeda lagula Jiro la Taakulayn Doono.

Hadalka taliye Indho Qarshe ayaa ku soo beegmay iyadoo maalin ka hor magaalada ay ka dhaceen bannaanbax ay dhigeen ciidamo fara badan oo ay ku jiraan dumar kuwaasoo sheegay in taliyaha ciidamada xooga Soomaaliyeed inuu shaqada ka rukhseeyay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed