Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia Oo Buuxiyey Jagooyinkii ay Banneeyeen Taliyayaashii Huteel Jazera Lagu Laayey, Isku Shaandhayna ku Sameeyey Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka
Muqdisho:12-Jan-2014(SDN)-Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid), ayaa Markii ugu horraysay Buuxiyey Jagooyinkii ay Banneeyeen Taliyayaal saldhig oo dhawaan Shabaab laayeen, isla-markaana isku shaandhayn ku sameeyey qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka Booliska.
Wareegto cusub oo uu Taliyuhu soo saaray ayaa u dhignayd sidatan:
Faarax C/laahi Maxamed, taliyaha saldhiga War-dhiigley, Siciid Abshir Maxamed, taliyaha saldhigga Shangaani, Maxmed Sheekh Cali isaaq (Madaxeey),taliyaha saldhigga Wadajir, Xasan Duulane Xirsi, taliyaha Saldhigga Waabari, iyo Axmed Cabdulaahi Baashane (Calooley ), taliyaha Saldhigga Degmada C/casiis.
Faarax C/laahi Maxamed, taliyaha saldhiga War-dhiigley, iyo Siciid Abshir Maxamed, taliyaha saldhigga Shangaani ayaa waxaa lagu bedelay Cabdi Qani Axmed Gacal iyo Mursal Cabdulqaadir Jaamac oo ku geeriyooday qaraxyadii lagu weeraray hoteelka Jazeera maalintii ugu horraysay ee Sanadkan aynu ku jirno ee 2014-ka.
Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu faray saraakiisha ay khusayso inay si degdeg ah ula wareegaan Hawsha loo Igmaday.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com