Taliyaha Ciidanka Booliska oo Ka Hadlay Ciidamada ay Geeyeen Golaha Wakiiladu nooca ay ahaayeen
Hargaysa 16.Nov 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan Ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu xarunta Baarlamaanka geeyay ciidan RRU ah isla markaana ka qaaday ciidankii hore u jogay.
Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan waxaa kale oo uu sheega in tirade ciidanka booliksa ha ee ay Xarunta Baarlamaanka geeyeen in ya tahay 8 askari oo boolis ah isla markaana lagu soo bedelay ciidankii hore ee joogay waxaanu intaa ku dara in ay tahay isku bedel ciidan oo caadi ah.
Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaaahi Fadal oo la weydiiyay su’aal ahayd sababta wakhtigan keentay bedelaada Ciidamada ilaalada xarunta baarlamaanka Somaliland waxay tahay? waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi
“Waa war aan sal iyo raad toona lahayn, oo ciidamo RRU ah maanaan geynin Xarunta Baarlamaanka Somaliland,in Ciidanka loo baahan yahay waraaqdii bedelaada ciidanka Labada Xoghaye ee Golaha Guurtida iyo Wakiillada Way Haystaan, Waana Arrin Nidaamka Ciidanka Ah, Oo Waa Wax Weligeedba Dhacda, Waana intii hore oo Joogtey Oo Ahayd Siddeed Askari,”
Waxaanu intaa ku daray talie Fadal “Waa Ciidanka Booliska Saldhiga Galbeed Ee Magaalada Hargeysa, oo Horena u Joogey, Wax Ciidan RRU ah oo aan Keenay ma jiro, Tiradii hore ee joogtay mid ka Badan oo Aan Geyneyna Ma Jirto, Waana Ciidankii Awelba La Isku Bedeli Jirey.”.Ayuu Yidhi Taliye Fadal.
Hargaysa SDN/QJ