|

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Digniin Culus u diray Dhalinyaro Kooxo kooxo habeenkii isku dila

Hargaysa 20.March (SDN) Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa Galabta digniin u diray Dhalinyaro uu Ku Sheegay inay Koox Koox isu laayaan Xiliyada Habeenkii Gaar ahaan Caasimada isla markaana ay Ciidamada Boolisku raacdo ugu jiraan Soo Qabashadooda .

Taliyaha oo Khadka Telefoonka ugu Waramayay Shabakada Qurbe joog.Com ayaa ka dalbaday Waalidiinta dhalay Dhalinyaradaas inay ka war hayaan Xaaladooda waxaanu Sheegay in Ciidamada Boolisku amar ku qabaan qab qabashada Dhalinyaradaas si aanay u horseedin ayuu yidhi Nabadgalyo daro.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan kuu Sheegayaa inay Magaalada Hargaysa baryahan ku soo badanayeen dhalin yaro Kooxo kooxo isu raaca oo habeeenkii isku laaya  Xaafadaha Magaalada,Kuwaas oo Ciidanka Boolisku ku daba jiro sidii ay u soo qab qaban lahaayeen”.

Taliyuhu waxa uu Xusay inay hore gacanta ugu dhigeen Qaar ka Mid ah Dhalinyaradan isla markaana ay Sharciga hor geeyeen,Taliyuhu waxa uu baaq u diray Waalidiinta dhalay Dhalinyaradaas isagoo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan si adag ugu wargalinayaa Cid kasta oo ka mid ah Waalidiintu inay gacan bir ah ku qabtaan Dhalinyaradaas oo keeni kara haday sidan ku sii socdaan Khatar dhinaca nabadgalyada ah,Isla markaana ay Ciidanka Booliska gacan ku siiyaan hawl galkoodan,Sidaa daraadeed hadii Ciidanku fal ay ku qabtaan dhalinyaradaas Ma heli doonaan wax naxariis ah Sharciga iyo Garsoorka ayaana la horgayn doonaa “ ayuu Yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan.

Hargaysa SDN

qurbejoog.com

Comments are closed