|

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo soo dhaweeyay Warbixin ay Hay’ado Warbaahineed oo Shisheeye ka Diyaariyeen Xabsiyada dalka

Hargaysa 24.Nov 2014 (SDN/QJ)–Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Sareeyo guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane)  ayaa soo dhaweeyay warbixin warbaahinta caalamku ay ka diyaarisay xabsiyada Somaliland, islamarkaana ay ku u tilmaameen mid la jaanqaadyaa xabsiyada waddamada horumaray.

taliyaha-AsluubtaTaliyuhu waxa kale oo uu sheegay in xabsiyada Magaalooyinka Hargeysa iyo Mandheera ay yihiin qaar tayadoodu fiican tahay, isla marka maxaabiista ku jirta la barro aqoon si marka ay xukunka dhamaystan ee ay ku noqdaan bulshadoodii ay ku shaqo tagaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) waxa uu si gaar ah uga hadlay warbixin dhawaan xabsiga Magaalada Hargeysa uu ka diyaariyay Telefeshiinka afka Ingiriisiga ku hadla ee la yidhaahdo Franch 24 oo uu taliyuhu sheegay in uu ka makhraati kacay horumarka ka muuqda Xabsiyada Somaliland.

 

“Runtii sidda ay warbaahinta caalamku baahisay xabsiga Magaalada Hargeysa waa mid heer caalami ah, isla markaana qof wal oo arkaa uu ka mabsuudayo shaqooyinka kala duwan ee ka socda. waayo meeshu ma ah xabsi ee waa goob waxbarasho oo marka qof la soo xiidho waxa la barayaa aqoon kala duwan oo xabsiga ugu diyaar ah, qayb waxa la baraa sameeyta jaajuurka, qayb waxa la baraa samaynta Alxaanka, qayb waxa la baraa sameeynta qalabka guryaha, waxa kale oo u dheer Jimicsigii oo ay ciyaaran ciyaaro kala duwan, marka waxbarashad aaanu siino maxaabiista way kala duwan tahay”Ayuu yidhi Taliye Xiirane waxaanu hadalkiisii sii raaciyay  “Marka Maxaabiista la siidayo waxa la siiya qalabkii ay ku shaqeysan lahaayeen, si marka ay bulshada dib ugu noqdaan ay ula Jaanqaadan uuna shaqeystaan, xabsiyada la kala yidhaahdo Mandheer iyo Hargeysa waxa gacan buuxda naga siisa Hay’ada UNODC marka Xabsiga Mandheer oo kale waxa ka socda dhismayaal aanu dhawaan soo bandhigidoono, waxa kale oo aanu qoondaynay in maxbuus kasta uu yeesho sariir u gooni ah, halkii markii hore labba ay ku seexanayeen, si caafimadkoodu u wanaagsanaado, shaqooyinka fiican ee aanu ka wadno xabsiyada Somaliland ayaa warbaahinta caalamka soo jiidatay isla markaan keentay in Telefeshinka afka Ingiriisiga ku hadla ee Franch 24 uu ka makhraati kaco horumarka ka muuqda xabsiyada Somaliland, xabsiyada kale ee dalka ku yaallana waanu dhisaynaa isla markaan waanu habaynaynaa.”Ayuu yidhi Taliyuhu.

 

Taliyuhu waxa uu baaq u diray Maayirada Gobolada Dalka oo uu u soo jeediyey in Maayir kasta uu gobolkiisa Xabsiga ku yaalla Maxaabiista ku xidhan ogaado lana socdo xaaladooda. “Shacabka Somaliland haddii aanay isku tashan cid kale waxba ku qabban mayso, waxaan Maayirada dalka u soo jeedinayaa in ay nala shaqeeyan oo xabsiyada soo eegan Caafimaadkooda, waxbarashadooda, waayo dee Maayirada iyo Badhasaabadu mid walba gobolku xukumo Xabsiga ku yaalla waxa ku xidhan dadkiisi marka waa in ay ogaadan, runtii Maayirka Hargeysa Cabdiraxman Solteco wuu nala shaqeeya waan u mahad celinaynaa, kuwa kalena ku dayda ayaan leeyahay.”Ayuu yidhi.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland Sareeyo guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) waxa kale oo uu sheegay in wasaarada Diinta iyo Awqaaftu u qaybisay Xabsiyada Kitaabo Quraanka Kariimka ah iyo Rikoodho ay ku dhegeystaan Cajalado Qura’aan ah marka Maxaabiistii waxay noqdeen qaar Diinta barta oo salaadana Tukada.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed