|

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Deeq Furshaan ah ka Gudoomay Shirkada Al Nuur Al Khayriya

Hargaysa 27.May (SDN) Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax oo uu weheliyo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud Jeeni yare  ayaa maanta ka gudoomay Shirkada Al Nuur Al Khayriya Lix boqol oo furaash halka ay Shalayna kala wareegeen boqol iyo labaatan furaash oo loogu talo galay Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka.

Cabdi risaaq Saleeebaan Yuusuf  iyo Ifraax Maxamed Maxamud oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkada Al Nuur Al Khayriya oo halkaas ka hadlay ayaa Sheegay inay deeqdan ugu tabaruceen Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka iyagoo ku amaanay taliska Ciidanka Asluubta sida ay u qaybiyeen Mucaawinadan .

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud Jeeni yare ayaa dhankiisa ka sheegay in Deeqdani ay wax badan ka tari doonto baahi haysatay Maxaabiista waxaanu ka codsaday Shirkadaha kale inay ku daydaan dadaalka uu Sameeyay Ururkani.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax ayaa dhiniciisa ka sheegay in loo baahan yahay Sidii looga war hayn lahaa Maxaabiista ku jira Jeelasha Dalka ,gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada,Caafimaadka iyo Wax soo saarkooda sidii looga faa’iidaysan lahaa in Ciidanka Asluubta loogala qayb qaato waxa uu taliyuhu baaq u diray Ganacsatada Somaliland oo uu ka dalbaday inay kala qayb qaataan dhaqan celinta maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed