|

Taliyaaniga Oo Soo Saaray War Ka Dhan Badbaadinta Nolosha Tahriibayaasha Yurub Beegsanaya

Rome:June,17,2014,(SDN/QJ)-Dalka Talyaaniga oo ah Saldhigga ay Beegsadaan Dadka Afrikaanka ah ee ku socda Yurub, ayaa soo saaray War liddi ku ah Arrimaha Bani’aadannimo oo uu hore ugu Hawllanaan jirey.

ASSE PDL-UDC PER ELECTION DAY A FEBBRAIO CON REGIONALIWasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga Angelino AlFano ayaa soo saaray digniin ku aadan maraakiibta ka howlgasha xeebaha dalkaasi inay joojinayaan badbaadinta dadka tahriibayaasha ah, haddii midowga Yurub aanu Qaadan doorka ay arrintan ku leeyihiin.

Wasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegay in dowladiisu aanay jecleyn in dadka ay ku dhintaan biyaha badda laakiin aanay sii wadi doonin inay gaaf wareegaan xeebaha dalka Libya.

Wax yar kadib markii hadalkaasi uu jeediyay wasiirka arimaha gudaha ee dalka Talyaaniga waxaa magaalada uu ku sugnaa gaadhay markab laga leeyahay dalka Kuwait kaasi oo waday 356 ruux oo muhaajiriin lasoo badbaadiyay ah.

 

Sidoo kale waxaa markabkaasi saarnaa muwaadin u dhashay Syria oo ku dhintay biyaha badda oo ciidamada markabka la socda ay soo badbaadiyeen.

 

Sidoo kale ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 39 ruux, waxaana jirta baqdin laga qabo in dadka ku dhintay biyaha ay kordhaan.

 

Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Mr Alfano ayaa hadalkaanka jeediyay isagoo ku sugnaa magaalada dekada leh ee Pozzallo ee dalka Talyaaniga halkaasi oo laga dajiyay tahriibayaasha cusub ee laga badbaadiyay biyaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Libya.

Hadalkan ayaa Halis ku ah Nolosha kumanaan Afrikaan ah oo beegsada dalka Talyaaniga, waxana ay dhaawacaysaa Niyadda Dadka Rajada ka qabayey inay ku Badbaadi doonaan Maraakiibta uu Talyaanigu dhigay Badweynta u dhaxaysa Yurub iyo Afrika.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed