|

12 Xubnood oo la Sheegay inay Ka Tirsan Yihiin Alshabaab oo Boosaaso lagu soo bandhigay

Boosaaso 29,Apr.2014(SDN/QJ)- Ciidanka Ammaanka magalada Bosaso ayaa xalay gacanta ku dhigay labo iyo toban qof oo looga shakinsan yahay inay ka danbeeyeen qarax fashilmay oo xalay ka dhacay magalada Bosaso.

1111_2Dadkan qabashadooda ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii ciidanku ay isla markiiba magalada ka bilaabeen baaritaan adag waxana la adkeeyay baraha kaantaroolada ee magalada si ciidanku ay gacanta ku dhigeen dadka doonaya inay qaraxa fuliyaan.

Taliyaha ciidanka Booliska Gobalka Cabdiraxmaan Cali Xusseen ”Muslim” ayaa sheegay ciidanku inay gacanta ku dhigeen 12-ruux oo ay saddex haween yihiin kuwaaso uu ku tilmamay inay Alshabab ka tirsan yihiin.

Xalay ayaan maqalnay Qarax Ciidamada waxay ka hawlgaleen meesha uu qaraxa ka dhacay,waxaan helnay xubnihii qaraxa ka qayb galay,Mobil iyo Bam ayaa la isku rakibayay,fayuuskii ayaa wuxuu ku qarxay ninkii Bamka rakibayay,marka u qaraxu dhacay ayuu ka lugeeyay meesha uu ka dhacay,Ciidanka Booliska dhamaan Kaantaroolada ayay xireen,saaka Aroortii ayaan laba jibaarnay hawlgalka ninkii hawshaa waday ayaan qabanay iyo shaqsiyaadkii shaqada kula jiray,raga iyo Dumarka la shaqaynayay”

Muslim ayaa ku nuux nuuxsaday inay maxkamad hor keeni doonaan si loo cadeeyo dambiyada ay galeen.

Ragga lasoo qabtay mid ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa qirtay inuu Alshabab ka tirsan yahay howlgalada ay wadeena uu ka mid yahay mid Jihaad ah.

Dagaal yahano Alshabab ka tirsan ayaa dagaalo ka wado buuraha Galgala ee Bariga Puntland waxayna soo mareen deegaano Somaliland ay ka taliso sida uu sheegay dhowaan madaxwayne ku xigeenka Puntland.

Camay ayaa Somaliland ku eedeeyay inay garab buuxa siiso Alshabab si ay dagaalo iyo dhibaatooyin uga dhex abuuraan deegaanada Puntland.

Balse madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay inay isaga filan yihiin dagaalada dhanka Alshabab uga imaan kara.

Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa heegan ku jira waxayna qab qabashada dadkan saxafada magalada Bosaso loogu soo bandhigay qayb ka tahay dadaalada lagu doonayo in Alshabab aysan Puntland hoy ka dhigan sida Koonfurta Somalia.

 

SDN/QJ-Boosaaso

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed