|

Taliska Nabad Sugidda Soomaaliyeed oo baaq u jeediyay waalidiinta Soomaaliyeed

Muqdisho Dec 19 2012 (SDN)— Taliska Hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay caruurtooda kala soo baxaan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Hay’adda nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Ururka Al-Shabaab ay yihiin urur fashilmay loogana adkaaday dagaalada dalka ka socda.

Wuxuu sheegay in waalidiinta Soomaaliyeed intii ay caruurtooda ay ku jiraan Shabaab looga baahan yahay inay kala soo baxaan caruurtooda si aysan u qatalmin naftooda.

“Waalidiinta Soomaaliyeed waxaan leeyahay Shabaab weey fashilmeen ee yeeysan caruurta idin ka halaajin ee kala soo baxa ilmihiina”Ayuu yiri Ereg.

Hadalkiisa wuxuu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay cafis ufidisay cid waliba oo ka tirsan Shabaab hadii ay kusoo biiraan Dhanka Dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa looga itaal roonaaday dagaalada ka socda dalka Soomaaliya waxaana iminka lagala wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalada dalka Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed