Taliska Ciidamada reer Yurub ee ka hawlgala Badaha Geeska Africa oo Suxufiyiin Soomaali iyo reer Jabuuti isugu jira la kulmay
Berbera Dec 04,2012(SDN)-Taliska ciidamada Badda ee ka hawlgala Baddaha Geeska Africa si ay ula dagaalamaan Burcad badeeda Soomaalida ayaa Suxufiyiin isugu Soomaali iyo reer Jabuuti waxa ay kula kulmeen Markabka hogaamiya ciidamada ciidamada Yurub.
Kulankan ka dhacay badda gudeheeda aaga xeebta Berbera ee Somaliland ayaa u ahaa Saxaafada Soomaalida fursadii u horeysay ee ay ku indh indheeyaan Hawsha iyo baaxada awooda ciidamada.
Suxufiyiinta waxa sidoo kale sharaxaad laga siiyay nooca hawlgalada ee ay qabtaan ciidamada Badda ee reer Yurub.
“Maanta waa fursad aanu ku sharaxno Hawlgaladeena isla markaana aanu ku soo bandhigno awoodeena,fariinta aan u dirayo Soomaalida iyo Gobolkaba waxa weeye in aanu halkan u nimi in aanu la dagaalano Burcada khatarta weyn ku heysa Soomaaliya”sidaa waxaa yiri taliyaha ciidamada reer Yurub ee ku sugan baddaha Geeska Afrika Rear Admiral Credendino