Taliska Ciidamada Badda ee reer Yurub oo kolkii u horeeysay kulan la qaatay Kaluumeysato iyo Madax dhaqameedyo
Bossaaso Nov 02,2012(SDN)-Taliyaha ciidamad areer Yurub ee ka hawlgala baddaha Soomaaliya (Atlanta) Rear Admiral Enrico Credendino ayaa kulan aan noociisa hore loo arag la yeeshay Kaluumeysato Soomaaliyeed iyo Madax-dhaqameed,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ciidamada EUda.
Kulanka oo ka dhacay markab ciidamada reer Yurub kaga hawlgalaan baddaha Soomaaliya oo la yidhaah ITS San Guisto oo ku soo xidhay aaga Bosaaso.
Kulanka oo ay abaabuleen qorshe loogu magacdaray Somali Seafares Initiative (SSI)ayaa looga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa Burcad badeeda.
Mashruucan SSI ayaa wada jir waxa u wada Qaramada Midoobey iyo ciidamada Badda ee midawga Yurub oo eegaya sidii ay wax ula qaban lahaayeen Kaluumeysatada Soomaalida.
Labada dhan ayaa kulankoodii uga wada hadlay sidii loola dagaalami lahaa Burcad badeeda iyo caqabadaha hortaagan kaluumeysatada Soomaalida.
SSI ayaa dhankeeda ka cadeysay in ciidamada reer Yurub aan loo arag caqabad ku hor guddban Kaluumeysatada.
“Waa markii u horeysay ee aanu kulano,waxaanan rajeynayaa in ay noqoto tilaabadii u horeysay ee wada socodkeena”sidaa waxa yiri taliye Rer Admiral Credendino.
Qoraalka ay ciidamada reer Yurub soo saareen laguma xusin hadaladii Soomaalidii shirka ka qeybgashay iyo cida ay yihiin toona.
SDN-Bosaaso
contact@somalidiasporanews.com