|

Taliska Amisom Oo Sheegay Inay La Wareegayaan Meel Waliba Oo Shabaab Joogaan

Muqdisho April 13 2013 (SDN)— Taliska AMISOM ayaa maanta shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan la wareegida deeganada Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobalada dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka AMISOM Cali Aadan Xumad oo maanta warbaahinta shirjaraa’ud ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha AMISOM uu yahay la wareegida deegaan waliba oo Shabaab ay ku sugan yihiin.

Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay diyaar uyihiin meel waliba oo Shabaab joogaan inay qabtaan kana saaraan.

Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa sheegay guulaha ay ka gaareen dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho ay ku timid wadashaqeynta dhexmartay ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa bilihii udambeeyay la wareegaye deegaano iyo degmooyin dhowr ah oo ay Shabaab ku sugnaan jireen.

SDN-Muqdisho

Comments are closed