|

Talibaanka oo faraha ka jaray tiro dad ah oo ka qeyb qaatay doorashooyinka Afgaanistaan

Kabul June 16,2014(SDN/QJ)-Kooxda Taliban eek a dagaalanta dalka Afgaanistaan ayaa ka dhabeysay hanjaabaadyo ay u jeedisay dadka reer Afgaanistaan oo ay uga digayeen in ay ka qeynqaataan doorashooyinka dalkaasi.

Sida ay shaaciyeen ciidamada Booliska ee dalka Afgaanistaan Taaalibaanka ayaa faraha jaray dad tiradooda ay ku sheegeen 11 ruux.

Dadkan ayay taalibaanku ku maageen ka qeybqaadashada Doorashooyinkii madaxweynaha ee dalka Afgaanistaan.

Taalibaanka ayaa hore u shaaciyay digniino ay daka ugu sheegayaan in hadii ay ka qeybqaataan doorashooyinka ay muteysan doonaan ciqaab.

Dalka Afgaanistaan ayaa waxa maalintii Sabtida wax aka dhacay doorashooyinkii wareega labaad ee madaxtinimada dalkaasi.

SDN/QJ-Kabul

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed