Taliban oo furanaya Xafiis Siyaasadeed
Qatar Jan 03,2012(qurbejoog.com)-Kooxda dagaalka Hubeysan kula jirta dawlada dalka Afgaanistaan iyo xulafadeeda ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay xafiis siyaasadeed ka furaneyso mid ka mid ah dalalka Islamka.
Talibaanka ayaa maalmahan danbe oo idil xodxodosho wadahadal ay uga imaneysay dawladaha reer Galbeedka oo u muuqda qaar iminka garwaaqsaday in dagaalka Afgaanistaan iyo Taliban aheyn mid miro dhalaya dhawaan.
Talibanku waxa ay sheegeen in ay xafiiskan ay ka furan doonan Qatar u isticmaali doonaan sidii ay dunida ugu soo bandhi lahaayeen siyaasadahooda.
Dawlada Afganistaan ayaa hore u sheegtay in ay arintan u aragto khatar siyaasadeed balse iminka madaxweynaha dalkaasi Xamid Karzi ayaa aqbalay talaabadan.
Qurbejoog-Qatar
contact@somalidiasporanews.com