Tahriibayaashii Ugu Badnaa Oo Saacadihii Ugu Dambeeyey Laga Badbaadiyey Xeebaha Dalka Talyaaniga
Lampedusa:March,05,2015(SDN/QJ)-24-kii saacadood ee ugu dambeeyey waxa ay ciidamada ilaalada xeebaha talyanigu tahriibayaal gaadhaya ilaa iyo kun qof, kuwaas oo halis ugu jirey inay badda ku qarraqmaan.
Tahriibayaashan ayaa kasoo kicitimay Waddaka Libya, waxana ay saarnaayeen Doomo kala duwan oo aan awood badan u lahayn inay baddaas ka gudbaan, isla-markaana la tan dhaafiyey.
Ugu yaraan 10-qof ayaa qabow dartii u dhintay, intii ay saarnaayeen doonta meel ka baxsan xeebaha dalka Liibiya, waxaana doonta saarnaa ilaa 130 qof.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa dadkan markii ay gurmadeen ku soo qaadeen maraakiib, waxaana howl galka bad baadinta uu ahaa mid xidhiidh ahaa, waxaana dhacay ilaa 10 howl gal ah oo loogu gurmanayay dadkan muhaajiriinta ah.
Tirada dadka la bad baadiyay ayaa gaadhayay ilaa 941 ruux, waxana badbaadadaasi dhacday labadii maalmood ee ina dhaafay.
Ciidamada dadka ay bad baadiyeen waxaa ka mid ahaa 30 caruur ah iyo haweeney uur leh, kuwaasoo durba loola cararay isbitaal, si loogu fidiyo adeeg caafimaad oo deg deg ah.
Laba doomood oo ah nuuca la buufiyo iyo shan doomood oo kale ayaa waxaa la socday muhaajiriin u kala dhalatay dalalka Suuriya, Falastiin, Tunisia, Libiya iyo sidoo kale muhaajiriin Afrikaan ka yimid dalalka ka hooseeya saxaraha.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com