|

Tahriibayaal Hor Leh Oo Ku Geeriyaaday Badda u Dhaxaysa Talyaaniga iyo Libiya

Pozzalo::June,30,2014(SDN/QJ)-Ugu yaraan 31-Qof oo Tahriibayaal ahaa ayaa Geeriyaaday, kadib markii ay ku Neef qabatoobeen Doonni aad u yar oo ay ku saarnaayeen  ilaa iyo 600-qof.

tahriibkaCiidamada Bada ee dowlada Talyaaniga ayaa subaxnimadii Isniinta soo badbaadiyey doonidan ee Dadku ku dhinteen, taas oo ka soo kicitantay Dhinaca Dalka Libiya.

Markab ay leeyihiin ciidamada Bada ee Talyaaniga ayaa doonidan usoo jiiday magaalada Pozzalo oo ku taal jasiirada Sicily oo ka tirsan dalka Talyaaniga.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ciidamada Bada ee Talyaaniga sidan oo kale ugu gurmadeen dad gaadhaya 1.600 tahriibayaal ka yimid qaarada Afrika.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa inay qoomiyado kala duwan iskugu jireen, waxana ilaa haatan soo baxaya warar sheegaya inay dadkaasi ku jireen Soomaali tiro badani.

 

 SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed