Tageerayasha Ururka Wadani oo Sanadguradii Kowaad ee Aasaska Ururka ku Qabtay Galbeedka London(SAWIRO)
London 7/10/2012(SDN)- Xaflad si aad u heersaraysa loo soo agaasimay laguna maamusayey sanadguradii kowaad ee Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa ka dhacday Magaalao madaxda wadanka Uk ee London.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen taageerayaasha Ururka Wadani ee wadankan Uk iyo qaybaha kala duwan ee shacabka S/land Madax Sarsare ee u horeyey safiirka somaliland u fadhiya uk iyo dhaman garabyada haweenka ee uk iyo ururada somaliland ee ka jira wadankan uk iyo Garabyada xafiisayada ee gobolada uk.
waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka S/Land, ahna Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedkan Wadani Mudane A/rahman Mohamed Abdullahi Ciro wakiilada Ururka Wadani ee Wadamada , UK, Finland, Sweden, Norway , iyo xubno muhiim ah oo ka soo kala socdaalay wadankii Somaliland ayaa waxaa ugu horaynaba lagu furay aayadaha quraanka kariimka oo uu goobta laga aqriyey.
Waxaa sidoo kale goobta erayo ku saabsan Ururka Wadani iyo horumarka balaadhan ee uu ka gaaray wadamada Yurub ka soo jeediyey Gudoomiyaha Yurub ee Ururka, oo ka dhawaajiyey in ururku manta gaaray meel aysan jirin urur kula tartami kara waxqabadkiisa debadaha, isaqoo cadeeyey in uruka Wadani manta xafiisyo ku leeyahay inta badan dhamaanba wadamada Yurub.
waxa kale oo ka hadlay tageerayasha ururka wadani oo ka hadlay u diyaargarawga doorashada golaha deeganka waxa kale oo hadal tariikhiya ka jeediyey marti sharaf badan oo ka mida bulshada ku dhaqan uk saladiin cuqaal iyo aqoonyahano gabagadi waxa lagu soo dhaweyey gudoomiyha baarlamanka ahna godoomiyaha ururka Wadani Mudane Abdirahman Mohamed Abdullahi Ciro.
Mudane Ciro waxuu qeexay himilada siyaasadeed iyo horumarineed ee Uruka Wadani, sidoo kale waxuu cadeeyey in ururku u furan yahay qofwalba oo S/land u dhashay goobtuu doonaba ha joogee, waxuuna sidoo kale ku baraarujiyey Haweenka inay ka qayb qaataan hawlaha siyaasada iyo horumarinta wadanka, waxuu aad ugu mahadaceliyeye dadweynihii goobta ka soo qayb galay iyo Haweenka iyo Dhalinyarada Wadanka uk -ka oo soo qabanqaabiyey xafladan aaya Gudoomiye Ciro u mahadceliyey dhamaanba ka soo qaybgalayaashii, taageerayaashii, iyo , shacabka reer somaliland ee ku dhaqan uk
SDN-London