|

Tacsi ku socota ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Jaamac Cabdilaahi Qaalib ( Diirqadhaadh )

Inaa Li Laahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Illaahay Naxariistii Janno Ha Ka Waraabiyo Marxuum Jaamac Cabdilaahi Qaalib ( Diirqadhaadh ) oo Hadda Geeridiisa la Soo Sheegay, Kuna Geeriyooday Magaalada Lusaka  Zambia. Waxan Tacsidan u Dirayaa Reer Cabdilaahi Diirqadhaadh, Ehelkii, Qaraabadii iyo Shacabka Somaliland ee Marxuumku Ka Baxay.
 
Aw Jaamac  Raximahulaah Wuu Soo Qabtay Ra’iisul Barlamaanka ugu Horeeyey ee Is Raaci labadii Somaliyeed ee aan la Mahadin, Sannadkii 1960-1964. Marxuumku Wuxu ahaa Markii Maraykanku u Diiday in uu Somalida Hub Siiyo, Ninkii Ka Degay Moscow, Soona Saxeexay Heshiiskii Taariikhiga ahaa ee Midawga Soofiyeti ku Soo Galay. Xiligaas oo ay Jirtay labadii Quwadood ee Isu Dheeltiran.Iyado ay Somalidu Xiligaas aad ugu Baahneyd  Hub iyo Tababar Ciidan ay Iskaga Caabido Ethiopia oo ay ka Dhaxaysay Colaad Xuni. Wuxu Marxuumku Ku Guuleystay in uu Heshiis Soo Saxeexo Sida Qoraagii, Safiirkii Somaliya u Fadhiyey Moscow Axmed Maxamed Adan ( Qaybe ) uu Xasuus Qorkiisii ,, Taariikhdu Yey Lumin,, uu Ku Sheegay. Illaahay Naxariistii Janno Ha Ka Waraabiyee, Wuxu ku Sifoobay Adoon Cibaado Suuban lahaa, Waxana uu Geeriyooday Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Afar iyo labaatan ah. Waxan ku Talin lahaa in Maydka Somaliland lagu Aaso Si Shacab iyo Xukuumadba looga wada Qayb Galo.
Inaa Li Laahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
 
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden

Comments are closed