|

Tabaro loo furayo Xaakimiin ka soo kala jeeda Somaliland iyo Soomaaliya oo Burcada Maxkamadeeya

Dubai July 04,2012(SDN)-Waxa bisha October ee ina soo heysa ayay 31 Xaakim oo ka soo kala jeeda Somaliland iyo Somalia waxa ay Dubai ka bilaabayaan tababar lagu maxkamadeynayo Burcad badeeda Soomaalida.

Tababrka ayaa waxa uu qeyb ka yahay mashruuc ay iska kaashanayaa Isutaga Imaraadka Carabta iyo dalka Faransiiska.

Tababarada ayaa sidoo kale loo qaban doonaa macalimiinta iyo garyaqaanada Soomaaliya io Somaliland.

Tababarada oo laba qeybooda ayaa waxa ay bilaaban doonaan bisha October ee inagu soo fool leh.

Mashruuca ayaa imanaya maalmo uun ka dib shirweyne dhawaan lagu qabtay Dubai oo looga arin sanayay la tacaalida Burcada Soomaalida.

SDN-Dubai

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed