Tababarihii Xulka Nigeria Stephen Keshi 24-tan Sac Ka Bacdi Markii uu Ku Guuleystey Koobka Qaramada Africa oo Iscasiley Muxuuse Qoonsadey. By Jaahuur
Nigeria-Feb-12-2013-qurbejoognews.com-Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu maanta ku jibaaxaynaa Tababarihii xulka Nigeria Stephen Keshi oo shaqadii tababarinimo ka tagey muxuuse suusey?
51-jirkan Keshi ayaa ka mid’ahaan jirey ciyaartooydii qaranka Naygeeriya ee Beredsamaadkii kuna guuleystey laba jeer kooka qaramada Afrika Cup Of Nations ahaana Kabtanka xulka.
Haddaba maxaa soo dadijiyey shaqo ka tagiddiisa?
Tababare Keshi wauxuu ka dhawaajiyey mar uu saxaafadda la hadlayey habayaraate kamanaan helin wax dhiiringalin xiriika kubadda cagta iyo maamulka dawladda balan qaadyo la ii balanqadeyna cirka ayey isku shareertey.
Waxa kale uu ka shanqariyey tababare Keshi waxaan soo xuley ciyaartoy runtii da’yar oo mustaqbal fiican leh,waxaana la igu haystey maxaad ciyaartoydii hore uga tagtey,laakiin nasiibwanaag waan ku guuleystey hadafkeygii ahaa koobka qaramada Afrika.
Waxa kale oo iga dagi weydey ciyaartii na dhexmartey Ivory Coast xiriika kubadda cagta iyo dawladayaduba waxay noo soo diyaariyeen diyaaradihii nalagu qaadi lahaa haddii nalaga badiyo oo garoonka nagu sugayey,waana siyaabaha aan shaqada uga tagey,sidaana waxaa ka dhawaajiyey tababare Stephen Keshi.
W/ Qorey Jaahuur
qurbejoognews.com