|

Tababaraha Xulka Naigeria (Stephen Keshi) oo Dhaleceyn Dusha Uga Tuurey Tababarayaasha Caddanka ee Afrika Ku soo Xoomey(By Jaahuur)

Abuja-Jan-09-2012-qurbejoognews.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa Tababaraha xulka Nigeria Stephen Keshi oo dhaleeceyn tosha uga tuurey tababarayaasha caddanka ah ee u soo qadhaab tegey Afrika.

Keshi wuxuu ka dhwaajiyey,walow uu Tababaraha reer France Herve Renard ee xulka qaranka Zambia ku guuleystey Cup Of Nation 2012-kii,laakiin waxaan gocanayaa inaana shaqadayada la soo jaleeceyn.

Waxa kale oo ka soo buqatay Keshi in ay tababarayaasha caddanku u soo doonteen Afrika sidii ay lacag uga sameyn lahaayeen,waxanu anagu qabano ma qaban karaan,laakiin anigu cunsuri ma ahi ee way sida ay tahay.

Arintu si kastaba a ahaate tababaraha xulka qaranka ee Uganda kana soo jeeda waddanka Scottishka Bobby Williamson ayaa ka biyo diidey hadalada ka soo yeedhey Stephen Keshi waa tababaraha xulka Naajeeriye.

Bobby wuxuu inta raaciyey anigu halkan umaan iman Lacag waxaan u imid shaqo mushaharka aan qaataana wuxuu ku filanyahay oo kaliya deynta aan guriga iskaga bixiyo oo kaliya (Mortgage) wwaxaana ku faraxsanahay inaan ku guuleystey koobkii bariga iyo bartamaha Afrika (Cecafa) una soo baxay Cup Of Nation.

Kuligayo waxaanu nahay Professionals,laakiin haddii uu Keshi shaqo fiican ka helo Yurub lacag badana ka helo waa toogasho wanaagsan intaana waxaa sii raaciyey Bobby Williamson.

W/ qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed