|

Tababar ku Saabsan Maaraynta Hawlaha Xafiisyada oo Boorama ka furmay

Boorama 12.April 2014 (SDN)- Tababar ku saabsan habka maaraynta howlaha xafiisyada ayaa magaalada Boorama uga furmay qaar ka tirsan shaqaalaha iyo howlwadeennada dowladda hoose ee degmadaasi.

Agaasimaha waaxda tababarrada iyo maamul wanagga ee wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland, Siciid Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay in ujeeddada tababarku tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta shaqaalaha dowladda hoose ee degmada.

Agaasimaha ayaa shaqaalaha loo furay tababarka kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan casharrada la siinayo.

Tababarka oo socon doona saddex maalmood ayaa waxaa fulintiisa iska kaashanaya wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland iyo hay’adaha UNDP, UNICEH, UN HABITAT iyo kuwo kale.

Boorama SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed