|

Tabaabushaha iyo u Diyaar Garowga Xuska 18 May oo Weli Si Weyn u socda “Warbixin”

Hargaysa 17.May (SDN) Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka somaliland waxa ka socda qabanqaabadii ugu weynayd ee looga diyaargaroobayo munaasibada 18 may ee Maalinta Beri oo sabti ah ku beegan .

Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,iyo Golayaasha qaranka ayaa  gaadhay Magaalooyinka Xarumaha u ah Gobolada dalka si ay Shacabka ku nool ugala qayb qaataan Xuska Munaasibada 18 May.

Sidoo kale Waxaa Magaalooyinka Waaweyn laga dareemayaa diyaar garow xoogan oo ay Bulshadu ku Muunaynayso Xuska dabaal dega 22 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay Madax banaanideedii dib ugala soo noqotay Somalia inteeda kale 18 May 1991kii , Waxaana Shaaricyada Magaalooyinka Somaliland ka dhex muuqda Astaamaha qaranka oo si Weyn lagu bilay Jidadka iyo meelaha ay bulshadu ku Kulanto,Waxaa dadweynaha iyo Gaadiidka lagu arkayaa Calanka Somaliland, iyo astaamo lagu xardhay xuska Munaasibada 18 May,iyadoo Gaadiid Tiro badan oo lagu Xidhay Cod baahiyayaal ay ka baxayaan Heeso Xoojinaya Go’aanka Ummadeed ee Xuskan ay dhex wareegayaan Magaalooyinka Wadanka.

Geesta Kale dad aad u tiro badan ayaa Calanka Somaliland ka samaystay dharka la Xidho,Koofiyado,Cumaamado iyo Wixii la Mid ah .

Dabaal dega Munaasibada qaran ee 18 May oo u socota Si weyn,inkastoo fagaaraha Beerta Xoriyada oo ahayd Goobta Ugu Weyn ee lagu qabto Munaasibadaha qaran ee 18ka May ka mid tahay berito aan lagu qabanayn,taas oo lala xidhiidhiyo Mid ku timid Tuhuno argagixiso oo laga hor tagayo.

Magaalada Burco ayaa iyana waxaa lagu soo rogay Xaalad Bando ah oo aanu jiri doonin Wax dhaqdhaqaaq Dad iyo  Gaadiidba,kaas oo ka bilaabmaya 8:00PM ee Caawa ilaa Beri Subax ,Halka Geesta kalena la Joojiyay Guud ahaan Dhaq dhaqaaqa Gaadiidka ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka sida uu Shaaciyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna Gudoomiyaha Gudida Heerka Qaran ee Xuska 18 May Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed