TAARIIKH:ka bogo Wasiir Xirsi oo ka hadlaya cadaalad daro lagu xidhay sanadii 2008dii una fiirso habdhaqankiisa Maanta
Hargeysa Feb 05,2014(SDN)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji ayaa mar xabsiga laga sii daayay bishii September ee sanadii 2008dii ayaa waxa uu ka waramay xarigaa iyo cadaalad daro uu xiligaa tirsanayay,bal is barbardhig boolo xooftadiisa maanta iyo calaacalkisii xiligaa;
Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Maamulka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan Xabsiga laga soo daayay ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sidii loo xidhay, qaabkii loola dhaqmay intii uu xidhnaa iyo sidii loo sii daayay, isla markaana waxa uu jawaab kulul ka bixiyay eedayn uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-cirro) u jeediyay markii la xidhay.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si kulul uga hadlay eedaynta Wasiirka, isaga oo sheegay in uu Maxkamad la tiigsan doono, sidoo kalena uu dacwadiisa u gudbiyay Hay’adaha Caalamiga ah ee u dooda Xuquuqda Bina-Aadamka lagu xad gudbo.
Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka ee iscasilay Xirsi waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Magaaladda Hargeysa.
“Waxa la I xidhay 4-tii Bishii Augost ee sannadkan waxaana la iga soo qabtay Tuulo ka shishaysa Burco, aniga oo si caadi ah u dhaafay Istabta Burco iyo Istabta Beereed labadaba oo aanay Boolisku I joojin ayaa gaadhi Langaruusal ah oo Qori Siikaawi ahi saaran yahay iga daba yimi. Sida Caadadu tahay laydhka iimuu ridin haduu doonayay in uu I joojiyo mana samayn hoon uu igu ogaysiinayo in uu I doonayo, waxay igu rideen laba xabadood markaa ayaan ogaaday in gaadhigani I doonayo ka dibna waan isu taagay waxaanan waydiiyay waxa ay ii doonayaan. waanu ku doonaynay oo waa lanoo soo kaa diray ayay igu yidhaahdeen, dee waad I haysaan haddii aad I doonayseen ayaan ku idhi, si caadi ah ayaan u soo raacay.” Sidaa ayuu yidhi Xirsi Cali.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qorigaygii iyo baaskoodaydii oo sharciyaysan iyo sharcigoodii ayaan u dhiibay , waxa ay I keeneen Burco, bacdal salaadii cishaa’I wakhti ku beegan illaa 11)-kii habeenimo ayaa gaadhi iga soo qaaday Burco, illaa 4:00-tii Subaxnimo ayaa Hargeysa la I keenay, isla markaana waxa la igu xidhay Xerada C.I.D-da ee Hargeysa.”
Xirsi waxa uu sheegay in aan wax Maxkamad ah la horgeynin, marka laga reebo maalintii koobaad ee xadhigiisa oo la geeyay Maxkamada Gobolka Hargeysa, taas oo qaraar ka gaadhay kiiskiisa ka dib markii ay su’aalo waydiiyeen C.I.D-da, qaraarkaas oo ahaa in aanay Maxkamada Hargeysa ku shaqo lahayn kiiska Xirsi ee ay tahay in Burco lagu qaado, maadaama dhistaniska laga soo qabtay uu ahaa nawaaxiga Magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco. Isaga oo intaa ku daray in si fiican loola dhaqmay muddadii uu xidhnaa oo aan wax haydaar ah loo gaysan.
“Eedayntii uu Wasiirka Arrimaha guduhu ii soo jeediyay ee ahayd in aan Al-shabaab xidhiidh la leeyahay wax layaab leh ayay ahayd, waxaana taa igaga filan waxii bulshadu ka tidhi. Xukuumadduna illaa halka u saraysa way ku dafireen in ay la qabaan Wasiirka eedaynta uu ii soo jeediyay.Waxay ii sheegeen odayaal ka soo jeeda beeshayda oo la kulmay Madaxweynaha in uu xaal ka siiyay eedaynta Cabdillaahi Cirro, oo uu yidhi isaga ayay ku kooban tahay ee Xukuumaddu Xirsi uma haysato in uu yahay Al-shabaab, waxaana sii cadaynaysa in imika la I sii daayo iyada oo aan Maxkamad iyo meel toona la I marin.” Ayuu yidhi Xirsi.
Waxa uu Xirsi sheegay in hadalka Wasiirka Daakhiliga Somaliland ka soo yeedhay uu u arko Daciifnimo iyo masuuliyad-darro, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi Xirsi, “Waxaan ku fasiri karaa hadalka Cabdillaahi-Cirro mid aanu ka fiirsan oo miijinaya daciifnimadiisa iyo sida aanu uga fiirsan Masuuliyada uu qaranka u hayo, ileen masuuliyada qof uma hayo ee qaranka ayuu u hayaa’e. Waxaan is leeyayay Cabdillaahi-Cirro luuqadii Basaasnimada mooyee luuqadii dubla maasiyada ee uu u baahnaa Xafiiska arrimaha gudaha ee dibada iyo gudahaba saamaynaysay umuu dhug yeelan.”
“Wasiirka Daakhiliga Cabdillaahi-cirro iyo rag badan oo Wasiiro ahi waxa aanay garanaynin waxa uu doonayo Madaxweyne Daahir Rayaale, mana yaqaaniin waxa uu doonayo, waxaana sidoo kale ku adag oo aanay awood u lahayn inay iyagu waxa ay doonayaan ama ay aaminsan yihiin ka dhaadhiciyaan, oo qofka aad wada shaqaynaysaan ama waxa uu doonayo ayaad garanaysaa ama waxa aad doonayso ayaad ka dhaadhicin kartaa. Markaa waxa uu isagu doonayana ma yaqaanaan waxa ay iyagu doonayaana kama dhaadhicin karaan isaga iyo rag kale, taas ayaana ugu wacan in uu waxaanu garanayn iska sii sheego, isaga oo aan is weydiin waxa aad sheegaysaa ma yahay wax xukuumadda iyo shacbiga raali-gelinaya oo daliil loo helayo goor dhaw. Waxaan odhan karaa Cirro arrinta uu yidhi waa al shabaab waxa weeye waa kiis aan ahayn ka reerka uu ka raaligeliyay Madaxweynuhu, Aniga waxa uu Cirro iigu talagalay shirqool shaqsiya, waxaanan u dib dhigi doonaa in wakhtiga ay doonto ha gaadho’e in Maxkamad iyo dariiqo sharciya oo lagu kala sad qaadaa marka ay yimaadaan in aan waydiiyo, waxaanan la socodsiinayaa imikana la socod siiyay hay’adaha caalamiga ah iyo aduunyada cidda u fiirsata waxyaabaha noocan oo kale ah.” Ayuu yidhi oo uu hadalkiisa sii raaciyay Md. Xirsi Cali.
Xirsi Cali Xaaji waxa uu sheegay in aanu isagu Al-shabaab ahayn, haba yaraatee aanay jirin wax xidhiidh ah oo uu la sameeyay,
Su’aal Xirsi laga waydiiyay in uu Wasiirka Arrimaha gudaha dacwadiisa la sugayo, inta dawlad kale dhalanayso, in uu hadda u gudbinayo iyo in uu la sugayo wakhti aanu xil dawlada ka haynin, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dadka xukuumadda ku jiraa ma wada xuma, markaa Xukuumadda jirta ayaan u bandhigayaa dacwadiisa, haddii ay suurtawdo in ay si xaq ah oo xalaal ah u qaadaan waam ku qancayaa, haddii ay qaadi waayaana waxaan la sugayaa ciddii ku haboon.”
Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo la sii waydiiyay su’aalaha uu sheegay in aanay khusayn xadhigiisa ee C.I.D-da lagu waydiiyay oo uu sheegay in ay la xidhiidhsanaayeen bishii May ee Sannadkan in uu bal dadweynaha u cadeeyo qaar ka mid ah su’aalahaas aan mawdiica lagu eedeeyay ku saabsanayn, waxa uu ku jawaabay, “Way badnaayeen, su’aalaha badanaa la isku waydiiyo xafiisyada dawlada ayay ahaayeen, mana fiicna ka shifkoodu. Laakiin su’aalo 15 May ku saabsan ayaa la I waydiiyay, oo ii cadaynaysay in la iga daba socdo wax kale.
Su’aal ahayd in ay jireen wax Shuruudo ah oo ay dawladu ku xidhay soo dayntiisa iyo in lagu wargeliyay in isaga oo aan xidhnayn baadhitaan ku soconayo, waxa uu Xirsi su’aashaa kaga jawaabay oo uu yidhi, “Maya wax shuruud ah la iguma xidhin, Mobilkaygana wax laga helay ma jirin ee masuuliyad darro ayuun bay ahayd, haddii Moobilka arrintaa loo haystana, xataa suunka iyo saacadayda aan xidhanahay saakadan (shalay) ayaan soo qaatay ee madambi ayay geleen.”
“Nidaamkii dawliga ahaa ee aan ka tirsanaa ee Komishanka doorashooyinka waxaan ka maqnaa muddo afartan cisho ah marii la I qabtay, waxa I soo magacaabay Xisbiga Kulmiye, waxa is waydiin leh kulmiye ma Al-shabaab ayuu soo magacaabay, waxa si rasmi ah iigu gudbiyay Baarlamaanka Madaxweynaha, Madaxweynuhu ma Al-shabaab ayuu magacaabay, haday sidaa tahayna Madaxweynahana isku kiis baanu nahayn ee waa in la yidhaahdo waa Al-shabaab. Golaha Baarlamaanka 54 Muddane ayaa ii codeeyay iyaguna ma Al-shabaab ayay ansixiyeen, waxa ka daran Maxkamada sare ee Dastuuriga ah oo Madaxweynaha hortiisa igu dhaarisay, waxaanan u sii gudbay Komishanka waxaanay ii doorteen Guddoomiye ku xigeen inta hay’adood ee dawliga ah ee wadanku leeyahay mid aan dhaafay ma jirin, markaa waxa is weydiin leh intaas oo dhami ma waxay doorteen qof Al-shabaab ah, waana nasiib-darro in aanu intaas oo dhan midna dib u eegin Wasiirku Daakhiligu.”
Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida doorashooyinka Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan Xabsiga laga soo daayay iyada oo aan wax Maxkamad ah la saarin, isla markaana markii la xidhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ku eedeeyay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-shabaab.