Taariikhdii Ahmed Cabdilahi Qaalib (Ina Diirqadhaadh) AHUN
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Asalama Calaykum Waraxma
Salaanta Islamka Ka Dib Guud Ahaan Dadka Akhrista Qoraalkan Kooban Ee Taariikhda Ah Iyo Guud Ahaan Shucuubta Somaliyeed Waxaan Leeyay Iga Gudooma Salaan.
Intaa Ka Dib Wixii La Qoro Ayaa Maalmo Sii Jooga Wixii Aan La Qorina Waxba LagumaFalo Ama Waaba La Ilaabaa Marka Ama Cimrigi Alle Qofkaa Ugu Talo Galay Soo IdlaadoOo Xabaal Galo Wixi Taariikh Aha Ee Uu Qofkaasi Laha Mid Qudha Ayay Ku Sii Jiri Kartaa Waana Qoraal.
Runtii Guud Ahaan Dadka Somalida Ahi Waxa Alle Ka Dhaliyay Dad Badanoo Taariikhda Iyo Record Ka Ummadu Wada Ledahay Meelo Kala Duwan Ka Galay. Kuwo Wax Laga QorayIyo Kuwo Aan Wali Cidi Waxba Ka Qorin. Lakin Laga Yaabo In Sheekooyinkiisii Iyo Soo YaalkiisiiMeelo Gaari Wali Sii Xasuustaanoo Isaga Aad Looga Yaqaan. Si Kastaba Ha Ahaatee WaxaanJeclaystay Inaan Qormo Kooban Ka Qoro Marxuum Axmed Cabdulaahi Qaalib (Ina DiirQadhaadh)Kaasoo Kasoo Jeedaa Qoys Somalidu Taqaano.
Si Wayna Looga Yaqaano Gobolka Hargeisa Dadkii Bilaabay Magaalaynta Hargeisa Horaantii 1900 kiina Meel Waynkaga Suntan Aasaaska
Hargeisa Waa Guud Ahaan Reer DiirQadhaadh.
Hadaba Axmed Cabdulaahi Qaalib (Ina Diirqadhaadh) Wuxu Dhashay Sanadkii 1915 Wuxu Ku Dhashay Halka Ay Maanta Tahay Magaalada Hargeisa. Oo Magacyo Hore Loo Yaqaanay SidaToga Herer Harargays Oo Kale.
Waxbarashadiisii Milcaamad Quraanka Iyo Dugsiyada Hoose
Ka Dib Waxa Uu Tacliin Sare U Aaday Cadan. Waxa Uu Kusoo Takhasusay Law Sharciyada.
Markii Uu Hargeisa Yimi Axmed Isagoo Sharci Yaqaana Wuxuu Noqday Xaakinadi Ugu Horeeyay Ee Somali Yeelato. Oo La Odhan Jiray Sabadhi Koodh. Civil Court Judge”Ka Daalaco Buuga Mohamed Ibraahin Hugaile, All In The Family.
Dhanka Kale Axmed Wuxu Ahaa Hal Abuur Maanso Oo Waliba Qaybteeda Sare Ee Gabayada Alle Hibo U Siiyay. Kaasoo In Badanoo Qoyskiina Ka Midana Gabayga Aad Loogu Majeerto Sida Guhaad Cabdi Gahayr Iyo Cabdi Warsame Baanti (CabdiGahayr) Iyo Rag Kale Oo Badanoo Aanan Halkan Kusoo Koobin Karin, Wuxu Laha Tixo Maanso Oo Dawladii Kacaanka Xiligii Ay Dalka Ka
Talinaysa U Record Garaysnaa Wasaarada Tacliinta, Laguna Dhigan Jiray Iskuulada Dalka Sida Gabaygiisii Ahaa Waaloo Dhashaa Gabayga/Abwaanimada.
Axmed Cabdulaahi Qaalib Ina (Ina Diirqadhaadh) Alle Ha U Naxariistee Wuxuu Ka Mid Ahaa Gudidii Afsomaliga Qortay. Waxaanu Ahaa La Taliye, Kaasoo Ah Taariikhdiisa Arimaha Ugu Waawayn Uguna Macquulsan Een Isagana Mahadnaq Ahaan Meel Ugu Xardhi Karno Ayaamaha Dambe Si Loo Ogaado Wixii Tagay Ee La Inoo Qaybtay.
Gudida Afsomaliga Somaliyeed Ka Midnoqoshadeedii Ayay Ku Galeen Taariikhda Ay Ummadu Leedahay.
Dhamaan Gudidii Sare Ee Afsomaliga Iyo La Taliyeyaashoodii Oo Isku Dhan. Waxaanu Alle Ha U Naxariistoo Axmed Cabdilahi Qaalib Keenay
Eray Bixino Badan.
Axmed Wuxu Kusoo Kordhiyay Afsomaliga Erayo Farabadan Taasoo Wax Wayn Ka Tartay Terminology ga Afka Sida Ereyada Maareeye Agaasime IWM Oo Uu Kasoo Qaatay Maadaamoo Uu Ahaa Hal Abuur Gabayo Ay Tirin Jireen Niman Ay Isku Hayb Ahaayeen. Gaashaanbur Reer Buraale.
Wuxuu Alle Ha U Naxariistee Gacan Wayn Ka Gaystay Qaamuuskii Dictionary ugu Horeeyay Afka Somaliga Kusoo Baxa Oo Runtii Aasaas U Ahaa Hore U Marinta Afka Somaliga.
Axmed Wuxuu Leeyay Taariikh Aad U Dheer Uu Dhex Martay Suldaanki Guud Ee Wakhtigii Ingiriiska Talinaayay Suldaan Cabdulaahi Suldaan Diiriye Iyo Jaamac Biddo Oo Markaas Ahaa Sarkaal Sare Oo Police Ka Haystay
Iyo Sidoo Kale Maygaag Ilka Dheere Oo Ka Mid Ahaa Odatyaashii Aasaasay Magaalad Hargeisa. Hormoodna Ahaa Isku Haybna Ay Ahaayeen Axmed Cabdulaahi Qaalib ( Ina Diirqadhaadh)
Alle Ha U Naxariistee Axmed Cabdulahi Diirqadhaadh Wuxuu Ahaa Sanadihii 1960-1976 Xubin Sare Gudi La Odhan Jiray Dalacaada/Promotional Ee Dawladihii Rayidka Iyo Kacaankii Ee Dalka Soo Maray. Axmed Oo Ahaa Nin Badanoo Hal Abuura Siyaasi Ah Qoraa Ah Xaakin Sharci Yaqaana Dhanka Kale Alle Ha U Naxariistee Wuxu Aha Xaajadii Murugta Nin Loola Yimaado
Oo Ka Garnaqa Dadkuna Ku Wada Kalsoonaayeenoo Garyaqaana,Eexda Iyo Dhacdhaca Midna Aan Aqoon.
Alle Ha U Naxariisto Axmed Cabdulaahi Qaalib (Ina Diirqadhaadh).
Waxaan U Mahadnaqaya Ader Mohamed Yussuf Cabdulahi Diirqadhaadh Oo Inta Ugu Badan Taariikhda Odayga Aan Isaga Ka Soo Xigtay. Sidoo Kale Waxaan U Mahadnaqaya Axmed Faarax Cali “Idaajaa” Oo Ah Oday Caan Ah
Oo Mar Uu Sugaanta Ka Waramaayay Iyo Gudidii Afsomaliga Aan Ka Dhugtay/Dhagaystay Barnaamijkiisa Suugaanta
Dhaqanka/Hidaha Oo Uu Barnaamij Soo Saare Isagu Ka Yahay. Laanta Afsomaliga Ee Voasomali. Lasoco…….
Mohamed Yussuf X Cabdi (Ina Haliil)
Xoghayaha Gaaroodi
Malaysia, Kedah State
HandPhone +60176393476
Xoghayaha Gaaroodi
Malaysia, Kedah State
HandPhone +60176393476
Wa Bilaahi Tawfiiq