|

Taariikhda Islaamka: Boqorkii Sagaalaad Ee Boqorada Umawiyiinta:

Taariikhda Islaamka: Boqorkii Sagaalaad Ee Boqorada Umawiyiinta: waxa u ahaa Yasiid binu Cabdimalik, waxaana lagu naanaysi jiray abuu khaalid . hooyadii waxa la odhan jiray Caatika bintu yasiid, waxa uu dhashay sanadkii 71 ee hijriyada khilaafada waxa uu qabtay sanadkii 101hijriga da’diisa waxay ahayd 29sano jir . khilaafadiisii hadii aan wax ka tilmaano waxa ugu waynaa dagaaladii uu galay kii uu lagalay turkida dhulka loo yaqaano kasaakhistaan dagaalka waxa hogaaminayay Jiraax alxakami waana ka guulaystay . sanadkii 102 waxa dawlada ku mucaaraday oo dagaal ku iclaamiyay Yasiid binu muhalab oo ka mid ahaa dadkii ugu cansanaa ee dawlada umawiyiinta waali kasoo noqday waxa uuna dagaalo badan isla galeen dawladii umawiyiinta ee hogaaminayay yasiid binu cabdilmalik aakhirkiina waa la jabiyay waxaana madaxiisa lakeenay dimishiq . Waxa tariikhyahanada qaarkood sheegaan sababta uu u dhintay yasiid binu cabdilmalik in ay ahayd jeceyl . waxa la sheegaa in uu jecladay gabadh jaariyada oo isagu lahaa. guri ayuu u dhisay laakiin nasiib-darro waa ay dhimatay waxa la sheegaa in uu aad uga murugooday akhirkiina udhintay darteed waxa lashegaa in yasiid binu cabdilmalik yahay boqorka kaliya oo jeceyl dartiis udhintay. waxa lasheega in uu ahaa boqor caadila bisha shacbaan 105 ayuu geeriyoday yasiid binu cabdilmalik waxa uuna ku dhintay Xawraan waxa lagu aasay Dimishiq .

Khalidi

Boqorkii tobnaad ee boqorada umawiyiinta: waa Hishaab binu cabdilmalik waxa uu xukunka hayay mudadii udhaxaysay 105_125 hijriyada. waxa tatikhyahanadu sheegaan in boqortooyada umawiyiintu gaadhay meeshii u sarreysay dhinaca balaadhka oo dhul aad ubadan ayaa laqabsaday xilligiisii waxa uu la dagaalamay bisandiyiinta waxay ciidamadiisu gaadheen duleedka faransiiska halkaas oo ay kadhacday dagaalkii la odhan jiray bilaadh alshuhadaa . Waxa uu kudhashay dimishiq 71 hijriyada waxa la baayactamay oo xilka uu qabtay 105 xilligiisa waxa aad u shaacbaxday qabyaalada waxa dagaalo qabiil dhexmareen reer mudhar iyo reer yanam waxa kor u qaadmay xiligiis kacdoonada waxaana kamida kacdoonkii shiicada ee uu hogaaminayay sayd binu cali binu xuseen sido kale maqrib iyo andalus waxa ka dhacday kacdoon ay hogaaminayeen dadka barbarka loo yaqaano sidoo kale dhulka mawara anahri waxa ka bilawday kacdoon . laakiin waxaas oo dhan waxa soo afjaray oo u sabab ahaa awoodii uu lahaa iyo in uu ahaa nin aad caqli badna nin meel dheer wax kafiirinaya. Khilaafadiisii waxa khilaafada u guurtay magaalada rasaafa ee dimishiq udhow waxayna kutaala suuriya waxaana loobixiyay rasaafatu hishaab isaga loogu macag daray waxa lasheegaa in uu aad mumiimad usiisay cilimiga waxa laturjumay xiligiisi buug badan. waxa uu dhintay sanadkii 125 hijriyada waxa la sheega in uu kamid ahaa boqoradii umawiyiinta kuwoodii ugu xoogga badnaa.

……………………. la soco qaybaha danbe.

 

W/Q:Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan

Hargeysa,Somaliland

Email:Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Comments are closed