|

Taariikhda Feedhyahankii Muslimka Ahaa ee Dunnida Soo Maray Qarnigii Tegay Marxuun Maxamed Cali Kalaay DHAGAYSO

Washington 05.June 2016 (SDN/QJ):- Maxamed Cali Kalaay oo ahaa feedhyahankii dunida ugu caansana ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Phoenix ee gobolka Arizona.

Waa feedhyahan caan ah oo u dhashay dalka maraykan,Maxamed Cali oo dadka soomaaliyeed u yaqaanaan magaca “Maxamed Cali Kalaay” ayaa taariiikhdu markay aheyd 17.January 1942 ku dhashay magaalada Louisville ee gobolka Kentucky oo ku yaal Koonfurta Mareykanka.

626883D8-CD1B-4E6C-9FBB-5991B2C73814_cx0_cy6_cw0_w987_r1_s_r1Kalaay oo ka dhashay qoys heysta Diinta Masiixiga, ayaa waxay waalidkiisu ugu wan qaleen magaca Cassius Marcellus Clay jr. M. C.

 

Kalaay, waxa uu ku guulaystay Tartanka Feedhka Miisaanka Culus tiro sadex jeer ah,Sidoo kale waxuu muddadaas 20-ka sanno ah ee uu ku dhex jiray Ciyaaraha Feedhka ku guuleystay inuu noqdo Horyaalka Aduunka sanadaha 1964, 1974 iyo 1978.

Sanadkii 1999 ayaa Kalaay loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee Caalamka soo mara Qarniga 20aad.

 

Qaabka  Feedhka Maxamed Cali Kalaay waxa uu caan ku ahaa goysmada ama gasta faraha badan taas oo dhib u keeni jirtay feedhyahanada isaga la tartama,Waxa kale uu Kalaay ku caan baxay intii uu feedhka ku dhex jiray feedhka deg-dega ah.

Qaadashada Diinta Islaamka

1964 ayay ahayd markii ugu horaysay ee uu Kalaay si la yaab leh uga guulaystay Feedhyahanka ahaa Horyaalka Miisaanka Culus ee lagu magacaabi jiray Sonny Liston.

 

Waxaanu Kalaay isla mar ahaantaas la wareegay Suunka cadeynta u ah in uu noqday Horyaalka Aduunka ee Feedhka Miisanka Culus.

 

Kalaay, oo markaa da’diisu ahayd 22 sanno ayaa noqday Feedhyahankii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta Suunka Feedhka Miisaanka Culus ee taariikhda aduunka soo mara.Muddo yar ka dib markii Kalaay uu noqday Horyaal, ayaa waxa uu si lama filaan ah warbaahinta Caalamka uga sheegay in uu qaatay Diinta Islaamka.

 

Sanadkii 1965 markuu Kalaay si rasmi ah ugu biiray Diinta Islaamka ayaa waxuu magaciisa hore ku bedelay magaca islaamka ah ee Maxamed Cali.

 

Kalaay waxa uu qaatay Diinta Islaamka isaga oo aan  laheyn wax dan khaas ah  ama qarsoon, Waxaana xataa dhici kartay inuu Kalaay talaabadaas ku waayo taageerayaashiisa aad ka u tira badnaa.

 

Laakiin waxa dhacday taasi bedelkeeda oo ah in taageerayaasha iyo shacbiyadda uu Kalaay ku lahaa gudaha dalka Mareykanka iyo Caalamka intiisa kaleba ee aad u sii kordheen.

 

Dagaalkii Vietnam

Sanadkii 1966, ayaa Maxamed Cali Kalaay laga qaaday imtixaan ku saabsan cafimaadkiisa, waxaana la sheegay inuu ka qeyb gali karo dagaal ay Dowlada Mareykanka qeyb ka aheyd oo xilligaa ka socday dalka Vietnam.

 

Taasina waxay la macno ahayd in haddii uu Kalaay dagaalka ka qayb qaadanaayo uu guud ahaan ka tago feedhka iyo waxbarashaddiisa kaleba.Laakiin Kalaay oo lagu yaqaan dhiiranaan badan ayaa qaadacay arrinkaas oo waa uu diiday inuu dagaal la galo sida uu hadalka u dhigay dad masaakiin ah oo u dhashay dal ka tirsan dunida soo koraysa.

 

Kalaay waxa uu sidoo kale si cad u sheegay in uu gebi ahaan ka soo horjeedo dagaalka Maraykanka ay ku qaadeen Vietnam oo masaafo ahaan aad uga fog dalka Maraykanka, waxaanu sheegay in dagaalkaas uu yahay mid gardaro ku ah shacabka reer Vietnam.

 

Markii Laga Qaaday Suunka

 

Sanadkii 1967 oo ahaa markii Kalaay uu gaadhay guulihii ugu badnaa ayey dawlada Mareykanku ka xayuubisay Suunkii Horyaalka Feedhka Miisaanka Culus ee Aduunka.

 

Sababtoo ah waxaa Kalaay lagu soo eedeeyay in aanu  wadani aheyn maadaama  uu diiday ka qayb qaadashada dagaalka ka socda dalka Vietnam.

 

Muddo dhan 3 sanno Kalaay kama aanu  qeyb gelin wax tartan-feedh ah, laakiin waxa uu feedhka mar kale dib ugu soo noqday sanadkii 1970.

 

Maxamed Cali Kalaay oo ah Halyeey ku weyn qalbiyada shacabka aduunka ayaa safka hore kaga jiray Feedhyahanada Waaweyn ee Taariikhdu mar walba xusi doonto.

Warbaahinta Dunida ayaa maanta aad u hadal haysa Geesinamada iyo taariikhda uu ka tagay Maxamed Cali. Kalaay waxaa uu ahaa nin inta badan u dooda xuquuqda aadamaha.inta badana waxaa uu ku doodi jiray Midabkiisa Madow oo ay dad badan oo maraykan ahi ku takoori Jireen.

 

Maanta oo ah 4- June ayaa isagoo 74 jir ah waxaa uu ku geeriyooday Dalka maraykanka halkasi oo maalmo ka hor cisbitaal loo dhigay Xaalad Caafimaad.

 

Haddaba Warbixin ka hadlaysa Taariikhdii Maxamed Cali Clay, ayay Idaacada VOA laanteeda afka Somaligu Waxay Waraysi kala yeelatay Maxamuud Ibraahin Cali oo ururiyey isla markaana dersey taariikhda Maxamed Cali Clay iyo warbixino kaleba xagga hoose ka dhegeyso.

Comments are closed