Taariikhda aan dib u soo laaban Doonin 18+May=23 Qalinkii Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)
Iyadoo sanad walba xiligan oo kale Somaliland lagaga mashquulsan yahay xuska sanadguurada 18 May oo ah markii ay Somaliland madaxbanaanideeda dib ula soo noqotay ayaa dhanka kale xuska sanadkani oo ah 23 guuradii 18i-kii May waxa uu ku calaamadsanaan doonaa taariikh aan dib u soo laabian doonin oo ah 18+may=23.
Taariikhdan oo ah mid si faahfaahsan loo odhan karo waxay ka turjumaysaa sida ay isugu sar’goan tahay maalinta 18-ka oo lagu daray bisha 5-aad (May) oo la mid noqonaya sanadguurada aynu sanadkan xusayno ee sadex iyo labaatanaad. Ayaa waxaa lama huraan ah in sida ay u calaamadsan tahay aynu enaguna ugu calaamadino ka qaybgalka dabaaldegyadeeda iyo xuska loo samaynayo.
Dhamaan dadweynaha Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo ay soo raacaan Jaaliyadaha dalka dibadiisa ayaa muujin doona Qiimaha ay 18-ka May ku dhex leedahay, kuwaasoo isku saacad xusi doona maalintan oo sanad walba aynu xusi doono laakiin taariikhda sandkani ay tahay mid aan dib u soo laaban doonin, 18+May=23 Guurada.
Qalinkii Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)