Taalooyin Xusuuseed Bariga Hargaysa Looga Sameeyay Laba Mujaahid oo Ku Shihiiday Xorayntii Waddanka DAAWO
Hargaysa 24. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Bariga Caasimadda Hargaysa Laga Furay Taalooyin Loogu Talo galay in Lagu Xuso Laba Ka Mid ah Mujaahidiintii ku Shihiiday Halgankii dib u xoraynta waddanka.
Mujaahidiin,Xildhibaano,Madhaqmeed,Cuqaal,iyo Qurba-joog iyo Dadweyne kale Ayaa ka Qaybgaley Furitaanka Laba Taalo Oo lagu Xusidoono Allah ha U Naxariistee Mujaahid Maxamed X.Muuse Harag-Waafi iyo Mujaahid Xaamud Ibraahim Oo ka Mid Ahaa Mujaahidiintii Naftooda U Hurey Dib U Xoreyntii Jamhuuriyada Somaliland.
Labadan Taalo ayaa waxaa laga Hirgaliyey Deegaanka Aw-Barkhadle ee Bariga Magaalada Hargeysa,waxaana Dhisay Mujaahid Maxamuud-Wadaad oo ka mida Quraba-joogta reer Somaliland Horana Uga Mid ahaa Mujaahidiintii SNM.