|

Taalibaanka Afganistaan oo weerar xarumo ku yaal Bartamaha Kabul

Kabul April 15,2012(SDN)-Ururka  Daalibaan ee  ka soo horjeeda  xukuumadda Afgaanistaan  diidana  joogitaanka  ciidamada  caalamiga  ah ee NATO  dalkooda  ayaa maanta sheegtay in ay  weeraro kadis ah  ku qaadeen   goobo muhiim ah  oo ku yaala caasimadda dalkaasi ee Kaabuul.

Waxana  goobahaasi ka mid ah Huteel  ka ag dhawaa  xarunta  baarlamaanka  dalkaasi oo lagu  weeraray   gantaalada  degta lagu  qaato iyo bambooyin,  tasoo qiiq badani  ka soo baxayeyaaaa hoteelka,  halka  sanqadha  rasaasta  huteelka  gudihiisana  laga  maqlayey  ilaa manta  barqadii.

Goobaha  kale  ee weerarka  lagu  qaaday  wax ka mid ah  xafiis weyn oo ay  ciidamada  NATO ku leeyihiin  Kaabuul  iyo  goobo ay  degan yihiin safaaradaha Ingiriiska iyo Maraykanku,  hase  yeeshee waxa  la  sheegay oo kale  in ay  halkaasi ku dhinteen   saddex qof  oo ah  kuwii soo qaaday  weerarka  ismiidaaminta ahaa  ee lala damacsanaa  xafiiska NATO iyo degaanka  safaaradaha.

Dhinaca kale,  sarkaal  u hadlay  wasaaradda arimaha  gudaha ee  dalkaasi oo lagu  magacaabo  Mr  Sidiiq  Saadiq waxa uu sheegya  in ciidamada  amniga dalku  u jilib dhigeen  kooxahaasi  weerarka  ku soo qaaday  goobaha  ku yaala Kaabuul taasoo ay    gacanta  ku dhigeen   ilaa saddex qof oo nool,  laakin  muu sheegin guud ahaan  cidii weeraradaasi ku dhimatay.

SDN-Kabul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed