|

Taalibaan oo Qarax ku weeraray xarunta NATO ee Afgaanistaan

Kabul July 02,2013(SDN)-Dagaal yahanada Taalibaan ayaa weerar ay saaka ku qaadeen Xarunta NATO ee Kabul ayay ku dileen tiro askar ah oo ilaalo ka hayay kadinka xarunta.

Taalibaan ayaa weerarkooda u isticmaalay gaari ay ka buuxeen walxaha qarxa iyo tiro meliishaad ah oo hub fudud sitay.

Weerarkan ayaa waxa ku dhintay afar ka mida ilaaladii kadinka xarunta iyo laba ruux oo shicib ah.

Sidoo kal waxa halkaa lagu dilay meliishaadkii Talibaan ee werarka soo qaaday oo boolisku ku dheegeen in ay ahaayeen ilaa afar.

Talibaan ayaa dhawaan aqbalay wadahadal ay la galaan xukuumada dalkaasi balse maalmihii u danbeeyay waxa soo kordhayay weerarada ay la beegsadaan xarumaha ciidan ee dalkaasi.

SDN-Kabul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed