|

Taageerid Bannaanbaxa Jaaliyadaha Somaliland ee Brussels,Belgium

London April  02,2013(SDN)-Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSl wuxu hambalyaynayaa ururka jaaliyadaha Somaliland ee SSE iyo guud ahaan qurbajoogga Somaliland ee u ballansan bannaanbaxa ballaadhan ee 11thApril, 2013, Brussels, Belgium oo laga samayn doono xarunta baarlamaanka Europe horteeda kaasoo qayb ka ah mawqifka Somaliland ay ka taagantahay shirka Somalia loogu qaban doono London 7 th May, 2013.

War saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL ee uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL ayaa u dhignaa sidan:-

Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL  wuxu si weyn u taageerayaa qorshaha bannaanbaxa ballaadhan ee  ururka Jaaliyadaha Somaliland SSE (Somaliland Society in Europe)  ee lagu muujinayo rabitaanka mujtamaca Somaliland iyo qadiyadda gooni isutaagga Jamhuuriyadda Somaliland ee ku began 11th  April, 2013 Brussels, dalka Belgium.

Illaa iyo  aas’aaskii fikirkii dhaqdhaqaaqii  ay  bulshada Somaliland dib ugu la soo noqdeen madaxbannaanidooda 18 May, 1991 iyo illaa maanta qurbajoogga Somaliland waxay ahaayeen qaar kaalin weyn oo mug leh  kaga jira qadiyadda  ictiraafka Somaliland iyo guud ahaan geedi socodka horumarka dalka JSL taasoo ku xardhan  sooyaalka taariikhda   Somaliland.

Waxan  sidan ugu  gudbinayaa SSE iyo guud ahaan Jaaliyadaha Somaliland hambalyada, dhiirrigelinta  iyo taageerada buuxda ee Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha JSL iyo guud ahaan xukuumadda JSL  idiin ku hayso go’aanka bannaanbaxa 11th April, 2013 iyo Brussels, waxanan guddoomiye ahaan ku rajo weynahay inaan  maalintaas taariikhiga ah  idin kala qaybqaato haddii Alle idmo.

Hambalyo Qurbajoogga Somaliland

Guul Gooni Isutaagga Somaliland

 

Maxamuud Cabdiraxmaan Cali

Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyada Somaliland

Comments are closed