Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Deg.Togwajale oo u Diga Roganaya Dhinaca Xisbiyada Mucaardka kadib Markey ku Asqoobeen Hummaagii Kulmiye ee Dabeyl xagaaga isku bedelay
Hargeisa 17/7/2014(SDN/QJ) Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Gu’ xumaadey waa wada xagaa.imika waxa la mid ah Xisbigii Kulmiye oo sidii looga dhulsugaayey qaabka uu khilaafkiisa
u xalisto ku soo gabagaboobey Guddoomiye Madalootiya iyo Musharax Dabeylxagaa ka soo horeyso.
Hadaba markii ay u cadaatey Qaybo ka tirsan Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye Ee Deg.Togwajaale in ka sii mid ahaanshaha Xisbil xaakinka aaney ku jirin liibaanta Adduun iyo ta aakhiraba Markii ay la tashadeen waxgaradka deegaanka
Markii ay arkeen Dhinaca uu Miisaanka Dalku u janjeedho oo ah Xisbiyada Mucaaridka Waxay isla qaateen in aaney Ka sii mid ahaanin Xisbiga Kulmiye
Waxa kale oo ay sahan dheer dabadii Go’aansadeen in ay taageeradoodii ku biiriyaan mid ka mid ah Xisbiyada Mucaaridka ah.Taageerayaashan ayaa loo qaban Doonaa Xaflad Aad
loo soo agaasimey kana dhici doonta Maalmaha Ciida ka dambeysa
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed AadanQurbe Joog.com
Concat@somalidiasporanews.com