|

Taageerayaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Ee Carriga Ingiriiska Oo Si Ba’an U Weeraray Komishanka Iyo Xukuumadda Meel Adagna Iska Taagay In Aanay Ogolaan Doonin Doorshada Dhacday

LondonDec20/12(SDN)-Shirweyne ee isugu yimaadeen taageerayaasha urur siyaasadeedka XAQSOOR oo lagu qabtay galbeedka magaalada London maalintii Axadda ee 16ka December ayaa dareemo aad u adag laga muujiyey dilka foosha xun ee lagula kacay dhallinayarada aan waxba galabsan ee mudaharaadka Selmiga ah kaga soo horjeeday musumaasuqa iyo isdaba-marintii badheedhaka iyo xishood la?aanta ahayd ee ay ku kaceen komishanka qaranka iyo dowladda oo is-kaashanaya.

Waxa sidoo kale looga hadlay sida qaawan ee liidnimadu ku jirto ee loo maamulay doorashadii deegaanka ee waddanka ka dhacday bishii November 28da.

Shirweynahan oo taageeryaasha ururku isaga kala yimaadeen daafaha carriga Ingiriirska ayaa waxa ka hadlay xubno kala duwan oo ka tirsan ururka XAQSOOR iyo xubno lagu yaqaanay inay rukun dhexaad u ahaayeen xisbul xaakimka KULMIYE kuwaasoo dhammaan si ba?an oo wadajir ah u cambaareeyey sida faashilka iyo foolxumadu ku jirto ee loo boobay codadkii ururka XAQSOOR iyo xaqdarrada lagula kacay beelaha darafyada ee Somaliland.

Shirweynahan ayaa waxa ka soo baxay go?aamadan:

In nabadda iyo xasiloonida Somaliland la wada ilaalaashado balse aanay nabaddu noqon mid dhinac keliya laga filo ee uu dhinac kasta waajib ka saaran yahay ilaalinteeda gaar ahaanna dowladda.
In urur siyaasadeedka XAQSOOR oo gebi ahaanba QAADACAY natiijada xaaranta ahayd ee ka soo baxday doorashadii deegaanka ee laga qabtay waddanka bishii November 28da.
In dhammaan xildhibaanada ururka XAQSOOR u soo baxay aanay ka qayb noqon doorashada dulmiga ah ee komishanka iyo dowladdu soo maleegeen.
In dowladda Somaliland Maxkamad soo saarto askartii fulisay falkii lagu laayey carruurta degmada Axmed Dhagax ee sababay dhimasho iyo dhaawac isla mar ahaantaana uu is-casilo ama la eryo wasiirka daakhiliga ee amray ciidamada khaaska ee SPU-ga ee carruurtaas dhiigooda daadiyey.
In dhammaanba komishanka qaranku is-casilaan maadaama ay fashilmeen oo fadeexad caalamka uga soo hooyeen Somaliland waddanka gudihiisana ay ummaddii madax isu wada geliyeen.
In la laalo doorashadan ama xal kale lala yimaado ama dhammaan urur siyaasadeeyada doorashadan ku tartamayey oo dhan loo aqoonsado xisbiyo maadaama nidaamka aynu qaadanay uu yahay nidaamka xisbiyada badan (multi-part system) si amniga qaranku aanu khatar u gelin murankuna u yaraado, yuhuunta, walaaltinimada iyo wadajirka ummaddana dib loogu soo celiyo halkeedii hore.
In guddi madax bannaan oo baadhis culus ku samaysa sababihi fashiliyey doorashada la magacaabo soona gudbiya xal cad oo suurageliya in aanay mar dambe dhicin falal noocan oo kale ah.
In dowladda Somaliland si dhakhso ah u bilowdo hawlgallo turxaan bixineed oo isu soo dhaweynaya shacbiga iyo xukuumadda Somaliland oo haatan aad u kala fogaaday.

qurbojoog.com

London

Comments are closed