Syria oo sagaalkii Maalmood ee u danbeeyay ay dagaalo ku dhinteen 700 oo ruux
Aleppo Jan 13,2014(SDN)-Dagaalo mudo socday oo ka dhex dilaacay meeliishaadka kala taageersan xoogaga ka soo horjeeda xukuumada Bashaar A l Asad ee dalka Syria ayaa waxa ku geeriyooday dad aad u faro badan maalmihii ina dhaafay.
Meliishaadka Mucaaridka oo ka kooban kooxo dhawr ah oo Islaamiiin xagjir iyo qaar qunyar socoda ayaa dagaalo ka dhex qarxeen ka dib guulo ay ka soo hooyeen ciidamada dawlada Syria.
Dadka dhintay ayaa waxa ay u badan yihiin meeliishaadka dagaalamaya inkasta oo ay jiraan dad shacaba oo colaadu gilaafatay.
Meliishaadka Islamiyiinta Syria ayaa isku khilaafay nidaamka lagu xukumayo degaanada ay ka saareen gacanta dawlada dalkaasi ee ay mudada sanadaha ah la dagaalamayeen.
Waxa isna dhankiisa ka socdaan dagaaladii ay jabhaduhu kula jiraan dawlada Syria oo qudhoodu ay ku dhinteen dad faro badani.
SDN-Aleppo
contact@somalidiasporanews.com