|

Suxufiyiin Reer Sudan ah oo Booqday Biyo Xidheenka cusub ee Itoobiya. Maxayse Ku Arkeen?

Addis Ababa 17.April 2016 (SDN/QJ):- Xubno oo ka tirsan Suxufiyiinta Dalka sudan oo booqday Biyo xidheenka cusub ee Dalka itoobiya ayaa sheegay in booqashadoodu kaalin ka qaadatay sidii ay u fahmi lahaayeen xaalada waaqiciga ah ee biyo xidheenkaasi.

suhufiyiinKa dib markii ay suxufiyiintaasi indho-indheeyeen mashruucaas balaadhan ayaa waraysi ay siiyeen wakaalada wararka Itoobiya ee ENA waxay ku sheegeen  in warbixinahii aan dhexdhexaadka ahayn ee laga bixinayey biyo xidheenkaasi ay bedeleen xaqiiqada rasmiga ah ee uu ku salaysan yahay.

Suxufiyiintan reer Sudan oo ka koobnaa 11 suxufi ayaa todobaadkan gudihiisa booqday meesha laga dhisay biyo xidheenka weyn ee Itoobiya,waana booqashadii labaad ee suxufiyiin u dhashay wadanka sudan ay ku tagaan halkaasi, waxana ay sheegeen in biyo xidheenku faa;iido mooyaane aanu wax dhibaato ah u lahayn dalalka Gobolka, dhamaan warbixinahii lagu bedelayey xaqiiqada biyo xidheenkaa oo ay warbaahinta qaarkeed baahinaysayna ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Dhanka kalena Suxufiyiintu waxa ay sheegeen in hirgelinta mashruucaasi qayb ka noqon doonto la dagaalanka xaaladaha dhanka faqriga ee ka jira meelo badan oo qaaradda afrika ka mid ah, iyadoo ay illaa hadda biyo xidheenkaasi booqdeen in ka badan 375 hay’ado warbaahineed oo caalamka ka kala socda kuwaas oo ka diyaariyey warbixino badan.

Comments are closed