|

Suurtagalnimada UCID iyo Waddani oo midooba iyo Faysal Cali Waraabe oo xulafo ogol

Hargeysa. 17 September, 2022. (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa la filayaa in markii ugu horaysay taariikhda ay midoobaan iyaga oo leh hadaf kaliya oo ah in Muuse Biixi la dhaafiyo kursiga madaxweynaha, kadib badi shacabka Somaliland oo qaba in lagu hungoobay hogaaminta madaxweynaha Somaliland oo lacag adagi aanay ka bixin 5-tii sanno ee uu xilka hayay iyadoo aan la fulin wax mashaariic ah oo waawayn.

Xogo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Qurbejoog ayaa sheegay in gudoomiyaha xisbiga UCID uu taariikhda markii ugu horaysay aqbalay in uu samaysto xulafo siyaasadeed oo markan uu la galayo xisbiga mucaaradka ay wada yihiin ee Waddani, taas oo ka dhigi karta xulafada ugu tunka wayn Somaliland hadii ay tallaabadaas qaadaan.

Xukuumadda Somaliland ayay sidoo kale dhabar jab ku tahay arintani iyadoo noqon karta hal xidhaale kale oo adag oo mar kale uu wajahi doono Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland ee imika raba in uu mucaaradka meesha ka saaro.

Lama oga wakhtiga rasmiga ah ee tallaabadan ay qaadi doonaan balse khubarada ayaa aaminsan in ay soo dag dagi doonto hadii Muuse Biixi aanu ka aalabn go’aanka doorashada ururada ee imika la qabanayo.

Comments are closed