|

Suuriya oo Mareykanka iyo Qadar ku eedeysay in ay Mucaaridka ka horjoogsadeen wadahadalka

Dimishiq  Feb 24,2013 (SDN)-Afhayeen manta u hadlay xukuumada Suuriya Mr.  Shaariif  Shaxaada ayaa ku eedeeyey  dawlada  Qatar iyo maamulka Mareykanka , in ay ka  dembeeyan diidmada ay ku dhawaaqeen madaxda mucaaridka bahoobay  ee dalkaasi , in ayna ka qeyb  galayan wado hadal siyaasadeed oo lala yeesho xukuumada  Suuriya  oo ay hore  ugu  baaqeen  in  ay joojiyen booqasho  ay  ku tagi lahayeen madaxda mucaaridku Mosko  iyo Washington .

Mr.  Shariif  waxa uu intaasi ku  daray in  madaxda mucaaridka bahoobay  ayna  wax  daan  ah , ka  lahayn dhibta  dadka soo gaadhaysa  iyo burburka  ay  dagaaladu ku keenayaan   dalka , isagoo  raaciyey  in ayna  jirin  dhul  balaadhan oo ay  ka dhisi karaan maamul ee arinta tahay  daacaayid  ay caalamku ku fidinayaan .

Geesta kale , mucaaridka  bahoobay  diidmadooda ka qeyb galka  kulanada siyaasadeed iyo kuwa dibloomasiyadeed , waxa ay sabab uga dhigeen  bulshada caalamka gaar ahaan Ruushka iyo Mareykanka oo waxba ka qaban  waayey  gantaaleha  , madafiicda iyo bombooyinka ay la dhacayaan ciidamada xukuumadu  magalooyinka Suuriya  siiba magaalada Xalab

Comments are closed