|

Suuqii Weynaa ee Bakaaraha oo Maanta albaabadu u Xidhnaayeen iyo Cabashada Ganacsatada

Muqdisho 24.Aug 2014 (SDN/QJ)- Gabi ahaanba waxaa saakay albaabadu u xiran-yihiin goobihii ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha,waxaana ganasatada suuqa ay sheegen inay dhigi doonan isku soo baxyo waa weyn.

 

Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib markii ganacsatadu ay sheegen in laga qaado canshuuro xad dhaaf ah oo aysan garaneyn dadka ka qaada waxa ay yihiin.

 

“Ganacsatadu waxaa ay isku af garteen in la xiro dhammaan goobaha ganacsiga suuqa,waxaana sabab u ah canshuro badan oo nalaga qaado,haddana waxa ay yihiin ma naqan ragga naga qaada,”ayuu yiri mid ka mid ah ganasatada suuqa Bakaaraha.

 

Ganacsatadu waxaa ay sheegen in dakedda Muqdisho laga canshuuro gawaarida shixnada u sida,balse xilliga ay suuqa soo galayaan laga qaado canshuro kale oo ay ka qaadan ciidammo aysan aqoon.

 

“Gawaarideena labo jeer baa la canshura,mar dakedda baa lacago naloga qaada,haddana suuqa ciidan an la aqoon baa lacago kale naga qaada arrintasna ma aha wax an awoodi karno oo sura-gal ah,”ayuu yiri ganacsadaha saxaafadda la hadlay.

 

Sidoo kale,ganasatadu waxaa ay sheegen inay dhigi doonan isku soo baxyo ay kaga cabaayan canshuurta xad dhafka ah ee laga qaado.

 

Ma jirto wali wax hadal ah oo ay arrintan ka soo saartay dowladda Soomaaliya,maadaama suuqa Bakaaruhu uu yahay suuqa ugu weyn ee Muqdisho.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed