Suudaan oo beeenisay in ay duqeeysay ceelasha Shidaalka lagu muransan yahay
Khartuum April 17,2012(SDN)-Sudan ayaa beenisay in ay duqeeyeen ceelasha laga soo saaro patrol-ka ee ay qabsadeen ciidamda Koonfurta Sudan.
Xukuumadda Jubba ay dhinaceeda waxay dusha ka saareen masuuliyadda wixii dhibaato ah ee soo gaadha goobaha shidaalka laga soo saaro inay leedahay dawlada Khartuum.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in Wax soo saarkii dhinaca patrol-ka ee ceelasha ku yaala degaanka Heglig ayaa istaageen kadib markii ay halkaasi qabsadeen ciidamada Koonfurta Sudan.
Dhinaca kale qaramada midawday ayaa xaqiijisay laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay lahayd xukuumadda Sudan inay bam gareeyeen dagaanka Bintiyoon ee koonfurta Sudan, halkaasina uu ku dhintay ugu yaraan hal ruux.
Sidoo kale, masuuliyiinta degaanka ayaa iyana sheegay in la duqeeyay mandaqadda Miimoon, halkaasi oo ay ku dhinteen tiro dad ah oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.
Xiisadda u dhaxaysa xukuumadda Jubba iyo Kharduum ayaa qaraxday Salaasadii todobaadkii hore, kadib markii ciidamada Koonfurta Sudan ay la wareegeen gacan ku haynta ceelasha patrol-ka ee deegaanka Higlig oo ah halka ugu weyn ee Sudan ka hesho dakhliga ka soo gala dhinaca patrol-ka.
SDN-Khartuum