Susan Rice oo kabaxday in tartanka ay ugu jirtay qabashada Xoghayaha Dibadda Maraykanka
Washington Dec 14 2012 (SDN)- Danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay haweyneyda lagu Magacaabo Susan Rice ayaa ka baxday tirtanka ay ugu jirtay in ay qabato xilka xogahayaha Dibadda Maraykanka oo ay hada heyso Hillary Clinton.
Warqad ay u soo qortay Madaxweynaha Maraykanka Ms Rice ayay ku xaqiijisay in ay ka hartay tartanka qabashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka sida uu soo wariyay NBC News.
Ms Rice ayaa lafdhabar u aheyd eedeyn Xisibiga Republican-ku ay u jeedinayeen Maamulka Obama taasi oo la xiriirta siduu uu Maraykanku uga jawaabay Weerarkii Libya ee lagu dilay qunsulkii Maraykanka halkaasi u fadhiyay.
Mrs Clinton xogahayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in aysan dooneyn in ay waqti kale ka sii shaqeyso Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka sababo aysan sheegin.
Susan Rice oo 48-sano jir ah ayaa sheegtay in ay suurta gal tahay in mucaaradka Maraykanka ay kadanbeeyaan go’aankeeda kabixitaanka ah qabashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka.
SDN-Washington