Sunniyiinta Xoogga Badan ee ISIS Oo Gacanta Ku Dhigay Magaalo Cusub
Tel Afar:June,17,2014(SDN/QJ)-Koooxaha islaamiyiinta ka Dagaallamay Dalka Ciraaq ee ISIS, ayaa sii wada Horumarkooda dhinaca Dagaalka waxana ay gacanta ku dhigeen Magaalada Tal Afar.
Shacabka Magaaladaas ku Nool ayaa caddeeyey inay Kooxdu gacanta ku dhigtay Magaaladaas ooh ore ay ciidamada Dawladdu u joogeen.
Askartii iyo boliiskii ayaa magaalada ka cararay iyagoo ka tegay hub, Laakiin dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in dagaalka uu wali socdo.
Magaalada oo ay ku nool yihiin laba boqol oo kun oo qof ayaa waxaa ku nool shiico iyo suni, dad shiica ah ayaa qaxay iyagoo ka baqaya in la beegsado.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu iskubadalayo mid la isaga soo horjeedo shiica iyo suni, waxaana ugu wacan sunniyiinta oo laga qadiyey awoodaha xilalka muhiimka ah iyo maamulka dowladda hogaamiye Nuuri Al-Maaliki.
Maraykanka ayaa bilaabay inay la bixaan shaqaalaha diplomaatiga Baqhdad, iyagoo gaynaya meelaha Kurdishka ay maamulaan ee waqooyi bari iyo Basra oo ku taal koonfurta.
Qorshaha xigga ee kooxda ISIS, ayaa ah inay gacanta ku dhigaan magaalada Baghdad, taasi oo noqon doonta burb-burka dowladda Ciraq.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com