|

SULDANKA GUUD OO SI XARIIRA OO BILAA XAAJINA UGA HADLEY XAALADA GUUD EE DALKA IYO XAQA KA MAQAN BEESHA CIIDAGALE

Salaan diiran ka dib.

Marka aad dhegaysto waraysi uu qof masuul ahi bixinayo waxaa kugu waajiba inaad si fiiri dheeri ku jirto ugu fiirsato waxaa uu qofka masuulka ahi ka hadlayo. Waxyaalaha xaasaasiga ah mudan inaad wareysigaa ka dhex baadho waxaa ka mida bal iney meela kaga jirto wareysigaa wax  yar oo dan shaqsi ah oo qofkaasi uu daba socdo ama uu doonayo inuu soo xero gashado. Somaliland inta badan dadka masuuliyiinta ah hadii aad badankooda dhegaysato waxaad arkeysaa inaaney badankoodu aaney ka hadleynin dan umadeed balse ay ka hadlayaan wax iyaga dantooda shaqsi ah. Taas oo macaneheedu yahey iney arimaha markaa taagan ku liishaaman ama u barkiyaan tooda gaarka ah.

 

Sudlaan Maxamed Suldaan CabdiQaadir Sudlaan Cabdilaahi oo ah Suldaanka guud ee beelaha Somaliland ayaa wareysi uu siiyay shabakada Hadhwanaagnews wuxuu si qiimo badan oo u qalanta milgaha magaca uu huwan yahey uu uga hadley laba arimood oo wareysigaasi ku saabsana.

Waa ta koowade Sudlaanka oo ka hadley arimaha Somalia iyo Somaliland ayaa waxa uu si taxadir badani ku jiro u sheegay in arintan oo aad u xaasaasi ahi ay u baahan tahey in dhankasta laga eego xaga walaalnimada, xaga qadiyada dadka reer Somaliland, xaga nabad gelyo darada ka jirta Somalia, xaga dadka arinta loo xulayo geesta Somaliland. Waxaana la odhan karaa wuxuu sudlaanku meel saarey arintaasi u qiimeyey si mawaadinimo, suldaanimo iyo aqooniba ku jirto..

 

Mar Hadhwanaagnews waydiisay suldaanka sida uu arko shir dhalinyarada beesha Ciidagale ku qabteen dhawaan Hotel Dalxiis Hargeisa oo ay kaga cabanayeen xukuumada Somaliland ayuu suldaanku is ceeb la`aana u sheegey in cabashadaasi jirto isagoo sababtana ka dhigey in dadka Madaxweynuhu u igmadey hayadaha dawladu aaney sii siman umada wax ugu qeybin. Waxaanu Suldaanku sheegey in Beesha Ciidagale oo ku yar hogaaminta haydaha dawliga ah darteed ay dhalinyaradii Ciidagale noqdoon qaar tiro yar ku leh shaqooyinka dawlada.

 

Ugu danbeyntii Suldaanka oo kaftamaya ayaa waydiiyey reer Somaliland bal in beeshu la heshiisey keliya Madaxweynihii geeriyood ee M .Xaaji. Ibrahim Egal iyo iney beeshu la heshiisey dhamaan reer Somalinad. Waa dagaalkii sokeeye ee beeshu la magac badxdey Maleeshiyada dadka intoo kalena ay ay ahaayeen Marya Allolka waa marka laga reerbo beesha H.Yoonis oo laftoodu ahaa xaga Maleeshiyada..

 

Gebagebadii waxaan aniga lafteydu ku darsan lahaa in inta aan koofur xaqa reer Somaliland laga doonin in horta beelaha reer Somaliland dhamaantood si siman oo cadaaladi ku jirto u qeybsadaan wixii manaafacada ee hada ay gacanta ku hayaan, hadii kale waxey noqoneysa uun berigii horena waa la ina Dulmi jirey imikana inaga ayaa is Dulameyna. Dulmina sidiidaba Diidey uun baa aakhirka ka danebysa

 

Alla Mahad Leh

Osman Omar Dool

 

Comments are closed